Waftigii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Hogaaminayay Ee Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland Oo Soo Dhaween Balaadhan Kala Kulmay Deegaannada Wadaamo-Go , Caynaba Iyo Gobolka Sool + Xafiisyo Cusub Oo Xadhiga Laga Jaray + Sawiro‏

0
535

Waftigii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Hogaaminayay Ee Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland Oo Soo Dhaween Balaadhan Kala Kulmay Deegaannada Wadaamo-Go , Caynaba Iyo Gobolka Sool + Xafiisyo Cusub Oo Xadhiga Laga Jaray + Sawiro‏
Laascaanood(Warsugannews)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Ee Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland ayaa Gaadhay Gobolka Sool .

Waftiga oo sii Maray Deegaanka Wadaama-go ayaa waxaa uu halkaasi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Waftigiisu kala Kulmeen Soo Dhaween iyadoo Bulshadu ay ku dhawaaqayeen Ereyo Taageero loogu muujinayo Gudoomiyaha Iyo Waftigiisa , waxaana ay lulayeen caleemo qoyan iyadoo wajjiyadooda ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsanyihiin booqashada waftigan .

Madaxda Iyo Odayaasha Deegaankaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Gudoomiyaha iyo Waftigiisa ay ku soo Dhaweenayaa Deegaanka Wadaamo-go iyagoo intaasna ku daray in ay ku faraxsanyahay sida uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu Dalka uga War hayyo ee uu marayo Deegaannada Dalka .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisu aanu ahayn Olole balse uu yahay mid ku saabsan Nabadda iyo midnimada Somaliland .

Intaasi ka dib Gudoomiyaha iyo Waftigiisa ayaa u Gudbay Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar waxaanu halkaasi kala Kulmay soo dhaween aan loo kala Hadhin iyadoo Bulshada Magaaladaasi iyagoo ku gaashaaman Gaadiid ay waftiga kaga hor tageen Duleedka Magaalada ka dibna u soo galibiyeen Gudaha Magaalada Caynaba .

Waxaanu Halkaasi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Xadhiga Kaga jaray Xafiiska Xisbiga ee Magaaladaasi oo aan shaqeeneen intii ka danbeesay Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012 , waxaanu halkaasi khudbad uga jeediyay Dadwaynaha Reer Caynaba isagoo ku amaanay sida ay uga qeyb qaateen Nabadda Somaliland kuna tilmaamay in ay qaateen Koobka Nabadda Somaliland .

Gudoomiyaha Iyo Waftigiisa ayaa waxay soo mareen SHirwaynaha Beelaha Yoonis Adaraxmana ee ka socda Caynaba waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad ku tacalluqdaa Muhimadda Nabadgalyada iyo sida Deegaanka Caynaba u qaatay Koobka Nabadda isagoo ku booriyay in ay ilaaliyaan Wada noolaanshaha Beelaha halkaasi wada Degaa

Ugu danbeentii Gudoomiyaha iyo Waftigiisa ayaa soo Gaadhay Gobolka Sool Magaalo Madaxdiisa Laascaanood waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ee Gobolka Sool waxaany ku soo dhaweeyeen Dhiil Caano ah oo uu halkaasi Gudoomiyuhu ku Cabbay iyadoo Markii danbe loo galbiyay Guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil .

Gudoomiyahaa ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay si heer sare ahna u soo dhaweeyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Madax Dhaqameedka Gobolka Sool .

Intaasi Ka Dib waxaa halkaasi hadallo kala duwan ka jeediyay Cuqaasha iyo Madax Dhaqameedka Gobolka iyagoo si gobonimo leh u soo dhaweeyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Suldaan Cawil Fiiqle oo ka mid ah Waftgiga Gudoomiyaha ayaa halkaasi ka sheegay in ujeeddada ay socdaan tahay walaanimo iyo nabad isagoo ku dheeraaday muhimadda iyo qiimaha ay leedahay in nabad iyo walaanimo lagu wada noolaado

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa hadallo soo dhaween ah halkaasi ka yidhi isagoo sheegay in Gudoomiye Faysal aanay magaalada isku cusbayn oo uu marar hore uu yimid sidaas oo ay tahayna bu yidhi ay tahay magaaladiisi kuna soo dhaweenayo .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ugu danbeentii ka hadlay ay mahad naq u jeediyay dhamaan dadwaynihii soo dhaweeyay gaar ahaana Madax Dhaqameedka oo uu Garaad Jamac Hormuud-ka yahay , waxaanu sheegay in socdaalkoodu ku koobanyahay Nabad iyo Midnimo oo aanu ahayn Olole .

Gudoomiyaha ay si qotto dheer uga warramay qiimaha ay leedahay in nabad lagu wada Noolaado isagoo sheegay in Deegaannada Bariga ay Muhimad wayn ugu fadhiyaan Somaliland oo aanay La’aantood waxba soconayn .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa uga warramay Diinwaangalinta iyo sida ay muhiimka ugu tahay Horumarka Deeganadaasi isagoo sheegay in lagu ogaanayo tirada Deegaan walba uu yahay isla markaana lagu tartami doono , waxaanu ku booriyay in ay qaataan Kaadhka DIinwaangalinta oo ay is muujiyaan .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Garaad jaamac ku amaanay sida uu nabadda qeybta libaax uga qaato waxaanu ku tilmaamay Garaad ku dayasho Mudan .

Waxaa uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu xadhiga Ka jaray Xafiiska Xisbiga Ucid Ee Gobolka Sool .

Waftigan uu Hor kacayo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ee Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland ayaa si socon doonaa iyadoo waftigu uu gaadhi doono Deegannada Xudun iyo Ceerigaabo .
IMG_5122

IMG_5120

IMG_5105

IMG_5097

IMG_5084

IMG_5073

IMG_5070

IMG_5066

IMG_5064

IMG_5062

IMG_5061

IMG_5056

IMG_5051

IMG_5044

IMG_5039

IMG_5037

IMG_5034

IMG_5031

IMG_5024

IMG_5015

faysal caano