Wasiirkii Qorshaynta ee Qorsheeyey Qorsita Farta Soomaaligu Waa Madaxweynaha JSL ee Xiligan, waa taariikh mudan Muunayn iyo Milgo waana abaal aan duugoobin oo ay u hayaan cidwalba oo Afka Soomaaliga ku hadasha.

0
562

Wasiirkii Qorshaynta ee Qorsheeyey Qorsita Farta Soomaaligu Waa Madaxweynaha JSL ee Xiligan, waa taariikh mudan Muunayn iyo Milgo waana abaal aan duugoobin oo ay u hayaan cidwalba oo Afka Soomaaliga ku hadasha.

Shalay oo kale 43 sano kahor “21.01.1973” waxaa si rasmi ah loo shaaciyey farta Soomaaliga isla markaana waxaa si toos ah loogu beddelay afafkii qalaad ee la istimcaali jiray xiligaa
Haddaba, Afka Soomaaliga oo kamida luuqadaha loo yaqaan Kushitiga ayaa lagaga hadlaa deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya oo dabcan dawlad ahaan kala hoos yimaada:
Somaliland,
Somalia,
Jabouti,
qaybto kamida Ethiopia iyo
qaybo kamida Kiiniya.
Waxaa la sheegaa in Qorida Farta Soomaaliga rasmi laga dhigay kadib markii lakala doortay 17 farrood oo ay ugu caansanayeen:

1- Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yaqaanaa Cusmaaniya
2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yaqaano Far Gadabuursi
3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yaqaano Fartii Kaddariya

– Dood iyo dedaal badan kadib waxaa la qaatay far uu soo alifay afyaqaan Shire Jaamac Axmed oo ah farta Laatiiniga ah ee aynu maanta qorno
– Walaw dhisme mooyee dayactir ku socon farta iyo kalmadaha Soomaaliga isla markaana dunidu xawli badan kaga socoto dhinacyada horumarka iyo aaladaha cusub ee iska soo dabadhacaya haddana, waxaa jira murti-maalo, af-maalo,qalin-maalo iyo suuggaanyahano u tafoxaydan in ay badbaadiyaan luuqada ehelka badan le ee Soomaaliga oo ah dabcan weelka kaydiya dhaqanka, hiddaha iyo taariikhda umad leedahay.

– Abaal aan duugoobin ayaan u hayaa cidwalba oo dedaal iyo tacab galisay in qoraalkan aan imika qorayo aan isku fahmi karayno malaayiin daafaha dunida ku filiqsan,

Waxaa xasuus, xiiso, xurmo iyo xayaysiisba mudan in Wasiirkii Qorshaynta ee xiligaas qorsheeyey qorita Farta Soomaaliga ee dalkii markaa la isku odhan jiray Dawlada Soomaaliya uu yahay Madaxweynaha wakhti xaadirkan ee Jamhuuriyada Somaliland, waana taariikhahamudan milgo iyo muunayn ee ay ku suntan yihiin haldooro halgan dheer iyo hayaan u soo galay wax badan oo maanta lagu faano.

Waxaan bogaadinayaa cidwalba oo Afka Soomaaliga ku hadasha waxaanan u rajaynayaa Afka Soomaaliga mid waara oo waayo badan jira.

Sharmake Axmed Muxumed Geelle
Xoghaya Guud ee Golaha Wasiirada JSL