Wasiirka Madaxtooyada oo Gurigiisa ku boqday Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo Xaalad Caafimaad u jiifa

0
378
?

Wasiirka Madaxtooyada oo Gurigiisa ku boqday Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo Xaalad Caafimaad u jiifa.

“Xaalada Cabdiqaadir waan gaadhsiin doonaa Madaxweynaha, Wuxuu kala hadhayaa ma jirto. ” Wasiirka Madaxtooyada JSL. Maxamuud Xaashi Cabdi”
………………………………………………………………………………………

Hargeysa(Warsugannews)20/02/2016 Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid, Walaalkeen waxaynu ugu nimid in aynu la wadaagno duruufta uu ku jiro, Suxufiyiinta kale ee goob jooga ahna waan u mahad naqayaa, isagana waxana ILAHAY ugu barayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ILAHAY ayaa cudurka keena isagana caafimaadka bixiya, ILAHAY ayaan caafimaad kaaga rajaynayaa, waxaan kuu dardaarmayaa samir iyo dulqaad.

Suxufiyiintu waxay ka mid yihiin dadka shaqooyinka Qaran haya waana waajib in la daryeelo noloshooda, inkasta oo aynu nahay Qaran iska itaal yar, hada intaa aynu hayno ayeynu yabyabanaa.

Waan u mahad mahad naqayaa ragii masuuliyiinta ahaa ee Warka Cabdiqaadir Madaxtooyada keenay, aniguna waxaan ka wakiil ahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, xaalada Cabdiqaadirna waan gaadhsiin doonaa, Madaxweynuhu wuxuu kala hadhayaa ma jirto, Cabdiqaadir wuxuu ka mid yahay dadka ugu mudan ee ay tahay in la ilaaliyo ama la daryeelo.

Sideedaba dadka ugu badan ee Madaxweynuhu uu caafimaad u dirro ha noqdaan shaqaale dawladeed, Odayaal ama Siyaasiyiin, waxa weeye dad uu Madaxweynuhu xil dheeraad ah iska saaro, intaan xogogaal ka ahay waxa laga yaabaa in dadka shaqsiyada Siilaanyo aan aadka u Aqooni aanay fahmi Karin, laakiin waxa weeye sida Hogaamiye balaadhani uu wax u maamulo ayaa u maamulaa, waxa dhacda in Raga ugu fog ee ugu eedaha iyo Cayda badan, ee Siyaasada ay isugu xagtimo badan yihiin, uu Dhakhtar u dirro, waxba halkan ka sheegi maayo, nin loola yimid oo uu qadiyeyna ma jiro, raga waaweyn ee xitaa mucaaridka ah, waxa laga yaabaa in Hogaamiyaha aan balaadhnayni uu yidhaa ninkan waa is haysaan ee ha dirin.

Cabdiqaadir waa kuwa ugu mudan kaalmo, bahda Saxaafadda waa in la daryeelaa, ILAHAY Dartii ayaanu ugu nimid, iyo masuuliyada dalka naga saaran Istus iyo ujeedo kalena kama lihin, Aroorta laga bilaaba hawshiisa waanu bilaabaynaa, Madaxweynaha waan u tagayaa caawa, wax kasta oo lala qaban kara waanu la qabaynyaa, sidaas ku niyad samow, dee dal iyo Qaran ayaad leedahay iyo saaxiibo badan. ILAHAY-na caafimaad ayaan kaaga rajnayaa.”

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

?
?

Wa Bilaahi Tawfiiq.