Xoghayaha Degmada Maxamed Mooge Ee Hargeysa Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qaraabadii Dhalinyaradii Badda Ku Dhimatay
Hargeysa(Warsugannews)Anigo oo ah xoghayaha Dagmada M/mooge Md.Xasan Maxamed C/laahi waxa aan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii iyo guud ahaan Qaranka Somaliland geerida naxdinta leh ku habsatay dhalinyaradeenii masiibadu ku haleeshay
Bada u dhaxaysa masar iyo Giririga waxaan ilaahay uga baryaya inu samir iyo iimaan ka siiyo ehelki iyo qarabadi ay ka baxeenba iyo Qaranka Somaliland kuli Nafsi Dayiqatul Mawt Ilaahay ha u Naxariisto Dhamaantood
Marlabaad Waxaan Halkan Tacsi Gaara Uga dirayaa oo aan la-wadaagayaa murugada ay reebtay masiibadaasi xannuunka badan dhammaan waalidka iyon Qaraabada iyo Guud ahaan Qaranka JSL. Waxay ahayd masiibo ku timid qadar Alle oo aan marna la oolin karin.
Innaa Lilaahi Wa-inaa Ilayhi Raajucuun
Xogahayaha Degmada Maxamed Mooge
Md.Xasan Maxamed C/laahi