Muddo Sanado ah Ka Bacdi Gudaha Buuhoodle oo Deeq Raashin La Geeyey
BUUHOODLE(Warsugannews)Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Md Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed ayaa Magaalada Buuhoodle gudaheeda iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi gaadhsiiyey Deeq Raashin ah oo ay u sii dhiibeen Gudiga abaaraha ee Heer qaran.
Deeqdan raashinka ah oo isugu jirta Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo Saliid ayaa loo qaybiyey qoysas danyar ah oo ku dhaqan deegaanada kala ah Qorulugud, Widhwidh, Horufadhi, Hagoogane, Sool-Joogto iyo Magaalada Buuhoodle.
Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed ayaa isagoo ku sugan Magaalada Buuhoodle waxa uu warbaahinta u sheegay in raashinkaasi la gaadhsiiyey dadkii xaqa u lahaa ee danyarta ahaa, iyadoo la wada gaadhsiiyey inta badan degmooyinka iyo tuulooyinka uu gobolkaasi ka kooban yahay.
Qaar ka mid ah dadkii la gaadhsiiyey raashinka oo ay warbaahintu wax ka weydiisay sida wax u soo gaadheen ayaa sheegay inay heleen raashin ka kooban noocyo kala duwan, waxayna uga mahadceliyeen Gudida sare ee abaaraha Somaliland iyo maamulka gobolkaasi.