Xisbigu Waa Waddani iyo waxa isu kay qaban waayey Arrimahan Cajiibkaa!!!!!

0
577

Xisbigu Waa Waddani iyo waxa isu kay qaban waayey Arrimahan Cajiibkaa!!!!!

Marka hore waxan salaamaya shacbiga iyo bahda saxaafada ee mar walba u adeega bulshadooda iyo dalkooda marka xigta waxan jeclaystay in aan warbaahinta iyo shacbiga Somaliland la wadaago arrimo indhawaydba maskaxdayda iyo maankayga ka waynaaday, jeclahayna in bulshada inta jecel dadkooda, dalkooda, iyo horumarka shaqsinimo ee la xidhiidha aayaha danbe ee bulshada soo koraysa ee u hanqal taagaysa inay beesha caalamka wax la qaybsato lana jaanqaado wadamada jaarkeena iyo kuwa aduunkaba.

aan gudo galo dulucda maqaalkaygan oo aan ku salaynaayo dhacdooyinkii u danbeeyey ee aan ka dhex dhadhansaday Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, gaar ahaan gudoomiyaha xisbiga Wadddani Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo muddooyinkii u danbeeyey aan odhan karo waxa uu qalad fahmay tartanka siyaasada iyo ololaha xirfadaysan ee asxaabta mucaaradku shacbiga kaga raadsadaan taageero iyo shacbiyad si ay u noqdaan kuwo u isku haleeya shacbiga ay codka ka doonayaan.

Hadaba habkee ayaa haboon in wax lagaga doono shacbigaaga ma mid xirfadaysan oo loo maro dariiqa ay tahay in markaasi ay ku haboontahaybaa mise waa in kolba meel aanay ka dhadhamayn taageero iyo olole siyaasadeed sawir iyo ma ka muuqday lala tago sida uu ku kaco waddani inta badan.

Bal ila arag oon mid mid u soo qaato qaladaadka Gudoomiye Cirro ee uu qalad fahmay muddooyinkii u danbeeyey.
1. Gudoomiye cirro waxa uu siyaasadeeyey Shilkii naxdinta badnaa ee ka dhacay duleedka magaalada gabiley oo uu dhakhtarka ku booqday maydadkii la keenay isagoo sawiro lagaga soo qaaday dadkii oo barooranaya oo ka tiiranyeysan (accidents) ka dhacay, is waydii dadkaasi ma yihiin kuwo laga raadiyo taageero ama sawiro ololaysan laysku sawiro? idinkaan idin dhaafay suaasha.

2. Gudoomiye Cirro waxa uu qalad fahmay oo olole ka raadiyey sawirona la soo galay madaxweynaha walaalkii oo xaalad caafimaad u jifay markaasi dhakhtar, aragtida aan idin soo gudbinayaa een doonayo inaad ila wadaagtaan waxay tahay ma waxay ahayd inuu isku sawiro isagoo soo eegaya kamarada ood dareemi karto inuu yahay mid siyaasadaysan mise waxay ahayd hadii ay ka tahay daacad iyo damqasho inuu isagoo aan wadan warbaahin uu la kulmo oo uu shacbiga iyo qoyska uu ka soo jeedo odaygaasi xanuunsanaayey ogaadaan ama dareemaan daacadnimada iyo xilkasnimada gudoomiyuhu doonayo inuu dadka u ku beer laxawsanayo una xaqsoori doono hadii ay hogaamintiisa mustaqbalku? idinkaan idin dhaafay taana aragtideeda.

3. Gudoomiye cirro waxa uu hore dhacdooyin dadka suaal geliyey oo aanay fahmin ujeedada uu ka lahaa uu ugu kacay mar uu safaro ku maraayey gobolada dalka, kuwaas oo aan ka xusidoono in kasta oo ay badnayd, balse wadada u dhaxaysa Boorama iyo Gabiley waxa uu ku qoray iskuna sawiray Xarfo ka kooban waddani oo dadku ay is waydiiyeen ma xisbigiisa dhisay jidkaasi miyaanu ahayn kii loo wada jeeday sidii uu u dhismay, waxa iyana jirtay inuu sawir la galay isagoo Adhi daaqayey Laamiga hareerihiisa uu gudoomiyuhu dhex gurguurtay oo uu kolba Lax sawir la galay, taas oo shacbigu is waydiiyey maxaa masuulka qaaday ee idaha ka soo galay, dhacdo taa la midana ayaa iyana jirtay oo ahayd inuu geel gudoomiyuhu hoos galay isagoo weliba halis geliyey naftiisa oo ay madaxa ka leef-leeftay hal ka mida geelaasi ka dibna warbaahinta loo soo diray dhamaan sawiradaa. waxana ak soo dhego weyn gudoomiayha inuu dameerna dabada qabsado.

4. Gudoomiye cirro waxa uu ku fashilmay oo nusqaan iyo magac xumo ugu filnaatay doorkii uu lumiyey ee dhinaca abaaraha dalka oo uu gudoomiyaha iyo xisbigiisu noqdeen kuwo aan haba-yaraatee aan ka ciyaarin doorkii xisbi nimo ee ay ka mudnaayeen shacbigiisa tabaalaysani, isagoo weliba ugu daray laba go’aan oo badi ummaddu u dhegtaagaysay kuwaas oo kala ahaa go’aankii uu la qaatay Asxaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka, golayaasha baarlamaanka iyo Madaxweynaha Qaranka oo dhamaan isku raacay hakinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha muwaadinka oo madaxweynuhu soo jeediyey in la hakiyo xaalada abaareed ee dalka ka jirta awgeed, taas oo gudoomiyuhu laba bogleeyey oo uu marba dhinac la soo saftay muujin kari waayeyna kartidiisa go’aan, kana soo saaray warfaxaafadeed uu ku sheegay in aanu isagu la qabin hadalka ay ku dhawaaqeen masuuliyiinta dalka ugu saraysay ee la isla qaatay in diwaangelinta la joojiyo muddo bil ah.

5. Gudoomiye cirro waxa uu tafaxaytay olole aan wakhtigiisi joojin oo uu isleeyahay ku raadi taageero iyo shacbiyad balse aanu dhaadanayn in shacbigu qiimaynayo oo uu la socdo dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed ee la xidhiidha mustaqbalka shacbiga karaamada badan ee ku nool dalka Somaliland.

6. Gudoomiye Cirro dhacdooyinka ma guuraanka ah ee aan marnaba la ilaawi karin waxa ka mida mar uu boqday dad waayeel ah oo uu cagad saliida iyo haaf daqiiqa uu dacalka qabsaday yidhina sawir iga qaada in aan islaantan gudoonsiyey intaa yar oo aan anigu qabo inay sharaf iyo karaamo u ahan lahayd inuu iyada iyo inta la jaarka ahba gaadhsiiyo deeqdaas lana galo sawiro.

Bal u fiirso oo dib u eeg su’aashan, Maxaa sababa in masiibo kastoo dhacda halkii waddani dadka tacsiyadeen lahaa uu ka dayo siyaadad iyo cod uu shacabka ku beel laxawsado, hada eeg geeridii naxdinta lahayd ee Dr Cabdi Aw Daahir Cali AHN, gudoomiye cirro wuu ka dhoofay isagoo samayn karayey inuu baajiyo safarkiisa oo uu dib u dhigto maalin iyo lababa, haseyeeshe may dhicin taasi, waanu ka dhaqaajiyey geeridii halyey cabdi Aw Daahir oo aynu ogayn sida ay dadku meelwalba isaga yimaadeen.

Waxan kaga baxayaa arragtidayda in bulshadu u dhugyeelato daminada qarsoon ee gudoomiye cirro u maleegayo shacbigiisa isagoo iska dhigaya nin kelidii damqaday badina shacbigu ay dareemeen hagardaamooyinka waddani iyo gudoomiye cirro oo aan ogsoonayn taariikhda uu ku leeyahay somaliland inay tahay sidii uu ka yeelay hogaaminta wakiilada somaliland muddo 15 sanno ah, record kana ay u gashay taageero shacbi iyo karaamana uu ku waayey feedhkii gudoomiye ku xigeenkiisa ee uu fagaaraha loo dhamaa ku dhex feedhay aqalka wakiilada mudane baashe Maxamed Faarax oo ah shaqsi lama taabtaan ah oo dhamaan bulshada somaliland ka mudan xushmad iyo qadarin isaga iyo inta la mid ka ahba. waxanan u soo jeedin lahaa inta jecel, samaha iyo wadankaba inay u fiirsadaan xisbiga Waddani iyo Gudoomiye cirraba, si aynu uga badbaadno dhuumasho dhabarku muuqdo oo hadhaw weji kale yeelandoonta.

W/Q. Ugaas Muuse Salaad
E-mail: ugaasyare@gmail.com
Hargeysa/S/land