MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybtii 3aad

0
523

DILDILAACA WAAGA SUBAXEED

Hargeysa(Warsugannews)Markuu kaaha waagu ka soo dhex mudho mugdiga habeenka. Xiligaas, Bilaal codkiisa eedaanka salaada subax ayaa gilgila aamusnaanta habeenka magaalada Madiina. Xiligaas Ilaahay rasuulkiisu SCW wuxuu ku jiraa hurdadiisa habeenka badhkiisa u danbeeya, ka dib waqti dheer oo uu soo jeed ku ahaa taagni uu ilaahay ugu cibaadaysanayo salaad sunne ah habeenka intiisa badan.

Marka uu Bilaal eedaanka dhameeyo uu dadka salaada subax ugu yeedho, Nabigu hurdada ayuu ka kici jiray, waxa ugu horeeya ee uu qaban jiray waxay ahayd inuu soo qaato cadaygiisa (Miswak) kuna nadiifiyo ilkihiisa. Markaas waxuu odhan jiray: Mahad oo dhan Allah ayay u sugnaatay na nooleeyay dhimasho ka dib xagiisana aanu u noqonayno. Dabadeed waxuu ka daba odhan jiray kelmadaha eedaanka ee mu’adinku ku tiraabayo tusaale; “Alaahu Akbar” Ilaahay ayaa wayn;Nabigu waxuu ka daba odhan jiray “Allaahu Akbar” marka uu mu’adinku yidhaa: “Ashhadu an la ilaaha illa Allah” macno ahaan; waxaan qirayaa in aan Allaah mooyee Alle kale jirin, Nabiguna waxuu ka daba odhan jiray kelmada ah “Wa Anna” oo la macno ah aniguna sidaas ayaan ka marag ahay. Markuu Mu’adinku yidhaa: Ashhadu anna Muxameda rasuulu Allah, oo macno ahaan ah; Waxaan qirayaa in Maxamed yahay rasuulkii Ilaahay, nabiguna waxuu odhan jiray “Aniguna sidoo kale”. Mu’adinka ayaa markan odhanaya “Haya ala Salah;Haya ala-Falaax” oo la macno ah: u kaalaya Salaada; U kaalaya liibaanta. Mid kasta waxuu odhan jiray: “Xeelad iyo awoodi ma jirto mida Allah mooyee”. Mida u danbaysa ee eedaanka waxa weeye Alaahu Akbar oo ah ilaahay ayaa wayn, sidaas ayaanu nabigu uga daba tiraabayay mu’adinka.
Nabigu waxuu raacin jiray ducadan: Allaahu ma Raba Xaqa Haadihil Dacwatul Taama Wa Salaatu Al Qaaima Ati Sayidanaa Muxamed Al Wasiila Wal Fadiila Wa Darajatul Caaliyah Alrafiica Wa Bacas Al Maqaamal maxmuud Alatii Wacata Inaka La Tukhlifa Miicaad(Alahayow rabiga yeedhista dhamayska tiran iyo salaada toosan ee gaadhsiinta ee fadliga leh ee darajada sare ee koraysa iyo soo saarista la kulanka nebiga ee aad noogu balan qaaday adiguna aad tahay midka balanka oofiya).

Nabigu haduu u baahdo maydhasho jidhka ah wuu soo maydhan jiray, hadii kale oo uu wayso u baahan yahay kaliya wuu soo waysaysan jiray.Xiliyada qaar ayuu isagoon waysaysan salaada tujin jiray, markaas ayaa qof waydiiyay in ay sidaas in la sameeyaa sax tahay. Jawaabtiisu waxay ahayd: indhahayga oo kaliya ayaa seexday ee qalbigaygu wuu soo jeeday.

Laba rakcadood ee sunaha ka horeeya subaxa ayuu guriga ku soo tukan jiray, laba rakcadood oo gaagaaban oo loo maleeyo sida uu ugu dhakhsaday in aanu taagnida ku dhamaynin akhriska suurada faatixada oo ah waajib in la akhriyo.
Labadaas rakcadood ee sunaha ah waxuu inta badan akhriyi jiray 109:(1-6) aayaadka suurada Al-kaafuruun: Waxaad tidhaa gaalooy, ma caabudayo waxaad caabudaysaan,idinkuna ma caabudaysaan Allahaan caabudi,mana aan caabudin waxaad caabudeen,idinkuna hadda ma caabudaysaan Allahaan caabudi, idinkuna diintiinaad leedihiin aniguna diintayda iyo aayaadka suurada Ikhlaas: Waxaad tidhaa (Nabiyow) Allah waa kalli( Wehelna ma leh), Waana Sayid( deeqtoon). Allah wax ma dhalin, isna lama dhalin, wax la mid ahina ma jiro112:(1-4). Marmarka qaarkood waxuu akhriyi jiray suurada Al-baqra: waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaciil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebahood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe(2:136), iyo suurada Al-Cimran:Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu-Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay(3:64) Ama suurada isla Al-Cimran:Markuu ka kasay Ciise Xaggooda Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah gargaaraha Eebe (Diintiisa) waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raacnay Rasuulka ee nagu qor (nagadhig) la jirka markhaatiyada(3:52-53).

Nabigu waxuu aad u ilaalin jiray oogista labada rakcadood ee sunaha ka horeeya salaada subax.Waxaanu odhan jiray; labadan rakcadood way iiga qaalisan yihiin aniga waxa aduunka gabi ahaan dul yaala iyo waxa dhex yaala oo dhan.
Marka uu labada rakcadood ee sunaha tukado, hadii ay xaaskiisu soo jeedo wuu la sheekaysan jiray si kalgacal leh.bal ka warama farxadeeda gabadh marka waagu dilaaco odaygeedu wada sheekaysi qiime iyo kalgacal leh la wadaagayo. Hadiise ay hurudo,nabigu dib ayuu ugu jiifsan jiray gogasha isagoo dhinaciisa midig dhulka marinaya ilaa ay ka gaadho xiligii salaada subax la tukanayay.

Marka Bilaal dareemo in dadkii soo wada gaadhay masaajidka, nabiga ayuu ugu iman jiray guriga,si uu salaada u tujiyo muslimiinta isaga oo leh; waa xiligii salaada rasuulkii ilaahayoow.Markaas ayuu nabigu soo bixi jiray si uu salaada u tujiyo.

Nebigu SCW masajidka markuu soo galayo waxuu odhan jiray: Magaca ilaahay ayaan ku bilaabay nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato rasuulka ilaahay. Allahayoow, iiga danbi dhaaf danbiyadayda iina fur albaabada naxariistaada.WaxaanAllaha awooda badan ka magan galay, wajigiisa wayn iyo gargaarkiisa aan duugoobin shaydaanka rajiimka ah.

Marka Bilaal arko nabiga oo soo galaya masaajidka, ayuu iqaami jiray salaada si la isugu taago markaas ayay asxaabtu eegi jireen nabiga oo soo socda dabadeedna ay dhamaan isu taagi jireen salaada oogisteeda iyagoo safaf toosan ah.

Xiliyada qaar ayuu nabigu soo gali jiray masaajidka isagoo madaxiisu biyo ka da’ayaan maydhasho uu markaa maydhay.Xilliyada adagna, waxuu soo gali jiray masaajidka, oo markaas la aqiimi jiray sidaas ayaanay asxaabtu isugu taagi jireen salaada iyagoo safaf toosan ah,nabiguna isu taagi jiray meeshiisa si uu salaada u tujiyo. Markaas ayuu is xusuusan jiray in uu u baahan yahay maydhasho. Waxuu marxaladaas gacantiisa ku ishaari jiray asxaabta si ay u sugaan oo meeshooda u taagnaadaan.Guriga ayuu ku noqon jiray waxaanu u qubaysan jiray si dhakhso ah oo ku soo noqon jiray masaajidka isagoo biyihii uu ku maydhay madaxiisa ka tif leeyihiin. Nabigu xaaladaas muu qarsan jirin,lamanauu yaabi jirin, sababtoo ah waxuu ahaa qof caadi ah oo noloshiisu ay la mid tahay sida habka nolosha caadiga ah ee biniaadamka. Sida quraanku u sheegay isagoo qeexaya midka uu yahay nabiga ilaahay u soo diray dadka; hadiiba aanu u magacaabi lahayn malag inaanu soo diro, xaqiiqdii waxaanu u muujin lahayn sidii nin (6:9)Markuu nabigu mixraabka istaago si uu tukiyo salaada, waxuu xaqiijin jiray in safafka asxaabta tukanaysa ee isaga ka danbaysaa ay toosan yihiin. Waxuu nabigu odhan jiray “ toosiya safafkiina isuna dhowaada, in la toosiyo safafka waxay ka mid tahay dhamaystirka salaada”. Dabadeed waxuu odhan jiray “Allaahu Akbar” oo la macno ah “ Allah ayaa wayn” marka uu leeyahay kelmadaasna, waxuu gacmihiisa kor ugu qaadayay ilaa ay la simaan garbihiisa, markaas ayuu gacantiisa midig dul saari jiray gacantiisa bidix. Dabadeed waxuu odhan jiray isagoon kor u qaadin codkiisa: “Wajigayga waxaan ku qaabilay Allaha samada abuuray samooyinka iyo dhulka anigoo ah mid toosan oo Muslim ah kama mid ihi kuwa Allaah wax kale la wadaajiya (jiritaankiisa iyo awoodihiisa ilaahnimo). Salaadayda, gawracayga, noloshadayda iyo geeridayduba Ilaaha,rabiga caalamka ah ayay gacantiisa ku jirtaa. Cidna u shariik yeeli maayo waxaanan ka mid ahay kuwa ugu horeeya ee muslimka ah.

Markuu bisinka hoos u akhriyo, waxuu kor u akhriyi jiray suurada ugu horaysa quraanka,ee Faatixada, taas oo akhriskeeda yahay waajib in la akhriyo rakcad kasta oo salaada ah. Nabigu waxuu suuradaha u akhriyi jiray si waadix ah, isagoo aayad kasta ku hakan jiray dhamaadkeeda.Waxuu u akhriyi jiray Alxamdulilaahi Rabi Al Caalamiin “Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha caalamka( Koonka), Al raxmaani raxiim“ee mid guud iyo mid gaar ahba naxariista”, maaliki yaw mi diin “ee Hanta maalinta abaal marinta (Qiyaamaha)”, iyaaka nacbudu “adiga ayuun baan ku caabudaynaa”, Wa iyaaka nasta ciin “adiga ayuun baanu ku kaalmo waydiisanaynaa”, Ihidina Siraad al Mastaqiim “ee nagu hanuuni jidka toosan(Xaqa)”,Siraada al ladiina ancamta caleyhim qayril maqduubi caleyhim wala daaliin“jidka kuwii aad u nimcaysay eedan u cadhoon lumina”.intaas ka dib waxuu akhiriyi jiray suurad kale, iyadoo rakcada hore uu dheerayn jiray halka rakcada danbana uu suurada faataxada ka danbaysa soo gaabin jiray. Inta badana waxuu akhiriyi jiray isugayn labada rakcadood inta u dhaxaysa 60 iyo 100 sadar,taasina waxa ay la xidhiidhaa sida uu jideeyay quraanku marka laga hadlayo akhrinta quraanka ee salaada subax dhexdeeda;isu tag (oog) salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) waabariga (subaxa) Quraanka waabariguna waa mid la Joogee (Malaa’igta)(Sura Isra 17:78).Jimcayaasha, waxuu akhiriyi jiray Surah Al-Sajda (32) rakcada hore iyo suurada Al-Insaan (76) oo uu akhriyi jiray rakcada labaad.

Mararka qaarkood waxuu nabigu SCW wuu qunuudi jiray/ducayn jiray salaada dhexdeeda marka uu rukuucda rakcada labaad ka soo tooso, gaar ahaan waxuu sidaa samayn jiray marka xaaladi la soo daristo muslimiinta.Waxuu nabigu ilaahay subxaanuhuye waydiinsan jiray inuu muslimiinta ka faydo kurbada iyo inuu u aqbalo guul iyo barako. Gabaygii Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa oo ahaa Ansaarigii nabiga la socon jiray, ayaa ku sifeeyay gabaygiisa xaaladaas sidan;
“Waxa na dhex joogayrasuulkii Allaah sida uu yahay nuur shidan oo ka dhex ifaya mugdiga waaga subaxii markuu akhriyayo kitaabka ilaahay”.

Nabigu SCW, marka uu dhameeyo salaada subax, waxuu odhan jiray isaga oo halkiisa fadhiya oo qiblada u jeeda: Istaqfur-Allaah oo ah “ilaahayow denbidhaaf na sii” sadex jeer ayuu ku celin jiray. Sidoo kale waxuu raacin jiray ducadan; Alahuma anta Salaam, Wa minka Salaam Tabaarakta Rabanaa yaa dul jalaali wal ikraam. Markaas ayuu dhinaca midigtiisa u soo jeedsan jiray, mararna waxa dhacday inuu bidixda u soo jeestay.Markuu wajigiisu u soo jeediyo asxaabtiisa, waxa ugu horeeya ee maqli jireen isagoo leh; Alahayoow iga nabadgali ciqaabkaaga maalinta aad soo saarto adoomahaaga.

Nabigu CSW, waxuu markaa waynayn jiray Allaah subxaanuhuye isaga oo leh: “Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, isagaa mulkiga oo dhan leh, isagaana mahadi u sugnaatay, waxkastana isagu waa mid meel marinteeda awood u leh (Laa Ilaaha Ila Allaah waxdahu laa shariika lah, lahul mulk walahul xamd wa huwa calaa kuli shay’in qadiir). Sidoo kale waxuu odhan jiray: Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro,waxaanu u gaar yeelaynaa cibaadada haba dhibsadaan gaaladuye. Waxa kale oo uu nabigu SCW odhan jiray: Allaahu laa maanic lamaa acdayt, walaa mucdii lamaa manacta walaa yanfacu duu jadi minka jada. Markuu intaas yidhaa ayuu tasbiixsan jiray (Subxaana Allah, Alxamdulilaah, Allaahu-akbar) waxaanu ku soo dhamayn jiray: Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, isagaa mulkiga oo dhan leh, isagaana mahadi u sugnaatay, waxkastana isagu waa mid meel marinteeda awood u leh (Laa Ilaaha Ila Allaah waxdahu laa shariika lah, lahul mulk walahul xamd wa huwa calaa kuli shay’in qadiir), Allahayow waxaan ku waydiisanayaa khayrka maalintan iyo waxii khayr dhexdeeda ku jira iyo khayrka waxii la socda. Allahayow waxaan kaa magan galay caajisnimo iyo xaalada qalafsan ee xiliga gabowga, iga nabadgali cadaabta naarta iyo cadaabta qabriga”sidaas waxuu odhan jiray subaxa iyo makhribka kaliya waxuu keliya kala badali jiray kalmadaha subax iyo galab meelaha ay ducooyinka kaga jiraan.

Waxa kale oo uu odhan jiray: “Allahayow caafimaad wanaagsan ii sii jidhkayga, maqalkayga, aragayga. adiga mooyee ilaah kale ma jiro. Allahayow, waxaan kaa magan galay gaalnimo iyo saboolnimo/faqri; waxaan kaa magan galay cadaabta qabriga. Adiga kaliya mooyee Ilaah kale ma jiro” Waxuu sidaas odhan jiray saddex jeer subax iyo galabtii.
Xilligaas, adeegayaasha guryaha Madiina oo dhan ayaa u iman jiray Nabiga SCW, iyagoo sida weel biyo ku jiraan, si nabigu ugu tufo cashar, iyagoo ka codsan jiray inuu gacantiisa u galiyo biyaha.Waxuu gacantiisa galin jiray biyaha ku jira weel kasta oo loo dhiibo. markasta xilliga salaada subax waa loo keeni jiray haba ahaato xilli qaboobe, Nabigu SCW wuu barakayn jiray biyaha isagoo gacantiisa galinaya.