SOOMAALIDU WAA SIDEEDII SABAN XUNBAA YIMEE WAA SIDEEDII W/Q:- Faarax Moxamed Gaambe

0
621

SOOMAALIDU WAA SIDEEDII SABAN XUNBAA YIMEE WAA SIDEEDII W/Q:- Faarax Moxamed Gaambe

Waa ii murugo iyo maalin madowtiilagu dilay ergadii uu ku jiray mujaahid cabdikariim maxamed eeceel dibir iyo meelo badan ka dhacday ee lagu gumaadayay dadka aan waxba galabsan ee maxastadumar caruurwaayeel ergo culumo inay maantana ka dhacdo jaamac dubadwaa ii tacsi iyo weedh xidhasho waan hubay waana aan xaqiiqsaday in Dhiigga soomaaliyeed ay xalaashatay ethiopiaiyagoo adeegsanaya qabiilka mid ah qoomiyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha xadbeenaadka dhulka soomaliyeed oo ay ugu magac dareen liyuu polis ,waa dad ku mamay u adeega danaha gumaysiga madow ee dhul balaadhsiga ku jira ee mar walba iyo marar horabadiidanaa in laga dul qaado heeryada gumaysigawaa kuwii ay dartood u burburtay si loo xoreeyo soomaalidii tilmaanayd ee caanka ka ahayd afrika dunida saddexaad iyo caalamka intiisa kalaba eela loodin wayay ilaa ay iyagu is wada lagdayn(soomaalidu waa soomaali saban xun baa yimiyewaa sideedii)..

Gumaysigu waa noocya badan yahay laakiin marka lagaa adkaado ee lagu qabsado laguguna qabsado isla gacantaada waa ayaan darro indha ku garaadluhu uusan garan karin . aan qiranno in nala jabiyay soomaaliyeey markaas ayaan dib u soo kaban karraa , laakiin quwaddi inaadis jabisay ku gaadhsiisayinaad walaal ka dhigato waa baqoaadan u dhalaniyo cuqdi xanuun nafsi ah oo aad is liidday . dadka soomaaliyeeed ee la xasuuqayo laguna xasuuqayo gacan soomaaliyeed waa dhibaato dhaxal xun laga helayo ,

Waa dhibaato soo noqnoqotay oo ka dhacday degaamo badan oo smaalida ah ,gumaysiga xabashida iyo kuwa u shaqeeya ama la shaqaysataee isku baahiyay gacan ku haynta hoggaanka dalka soomaaliya iyagoo qurub qurb u jar jaray una yeelay hoggaamo dhammaan hoos taga gumaysiga madow ee xabashida lumiyayna milgihiisharaftii xuquuqdii dadnimo islaan nimo ee uu soomaaligu leeyahay meeshuu doono ha ahaadee, waan ka damqanaynaa aniga iyo inta ila midka ahee markhaatiga aamusan ah, waxaana aan ku baaqayaa aan kor u qaadno magaca qofka soomaaliyeed ee xaqdarada lagu dilayo meel kastoo oo uu joogo aan ka dhiidhinno dadka soomaaliyeed ee la xasuuqayo ee lagu xasuuqayo dad ku abtirsada soomaali oo kala dhaxlay inay la macaamiloodaan gumaysiga noocyadiisa ama midabadiisa kala duwan macaash iyo jacaylna u qaba gumaystihii i colaadda soo jireenka ahi inaga dhaxaysay ee ethiopia oo ku jira aargoosi toos ah iyo mid dadban , garan maayo waxa dhimman ee muwaadinku sugayo ,

Waxaan ogahay in inta maatidii la xasuuqay lagu khasbay inay xoog ku aasaan dadkii wax laga dilay isla markaan amar gumaysi la dul dhigay oo lagaa doonayo inay dad kale soo qabtaan odayaasha oo dheeri ah , dada badan oo aan waxba galabsanna ay qafaasheen kuna hanjabeen inay unuunka jarayaan odayaasha ay hayaan waxaan leeyahay soomaaliyeey aan toosno aan u toosno difaaceenna qoomiyadeed ee sii galbanaya, sharafteenna , jiritaankeenna , daryeelka maatideenna iyo maxasteenna,,, soomaaliduha soo noolaato,,,,

godob diid

khabiir arrimaha amniga

FaaraxMoxamed Gaambe