WAX KA BARO BISHA RAMADAAN-QORMADII 10-AAD

0
666

QORMADII 10-AAD

Hargeysa(Warsugannews)10. WAXYAALAHA QOFKA SOOMANI LA IMAN KARO.
Waxaa jira waxyaalo ay dadka qaarkood iska ilaaliyaan oo ay moodaan inay Soonka ka jabinayso, balse aan wax u dhimayn Soonkiisa, haddaba wuxuu qofka soomani la iman karo soonkiisana aan waxba u dhimayn ayeynu ku soo qaadan doonaa qormadeenan, waxyaalahaasna dhawr arimood oo aynu soo qaadan doono waxaana ka mid.
1. IRBADA DAWADA AH.

Irbadda dawada ah oo haragga ama xididka la raaciyo, taasoo aan jabinayn Soonka waayo wixii dhiigga gaadha kama galin marinkii caadiga ahaa ee afka. Sidoo kale haddii uu qofku madaxa dhiig ka keeno, istoobo oo dhiig laga keeno amaba dhiig laga qaado Soonka ma jabinayaan inkastoo ay karaahiyo tahay haddii ay daciifinayaan qofka Sooman.
2. LUQLUQASHADA AMA SAN DAARSIGA.
Luqluqashada iyo sandaarashada oo ay tahay inaan lagu talax tagin, sida uu caddaynayo Xadiiskii Rasuulkeennu (NNKHH) : ”Haddii aad sandaarato ku talaxtag, illaa inaad tahay qof Sooman mooyaane”. sidaas ayey ina fartay diinteenu, ay tahayna inaan lagu talax tagin sandaarsiga ama luqluqashada, waanay ka reeban tahay in qofka soomani ku talax tago labadaa midkood.
3. INUU QOFKU CADAYAN KARO.

Wuu cadayn karaa qofka soomani, waayo waa sunihii rasuulkeenii suubanaa (NNKHH), ay mudan tahay inaynu la nimaadno, qofka soomana waxa habboon inuu cadaydo gaar ahaan casar wixii ka danbeeya, waayo wax xiligaa qofka sooman afkiisa ka soo baxda UR, markaa waxa fiican inuu iska cadaydo soonkiisana aan waxba u dhimayn.
4. LIQISTA QANDHUUFTA.
Waxyaalaha aan la iska dhawri karin ama la iska ilaalin karin waxa ka mid ah liqista candhuufta, boodhka, wax dhib ah u keeni mayso qandhuufta ku siibataa, laakiin qandhuufta iyadu wayn wuu iska tufayaa liqimaayana, mushkilad yeelan mayso tan uu markasta liqayaa.
5. IN UU QOFKU MAYDHO.

Biyaha oo uu ku maydho ama uu dhex galo, iyadoo ay fiican tahay inuu iska ilaaliyo inay biyo galaan calooshiisa, haddiise ay galaan isagoon u kasin Soonkiisu kama jabayo. Labada gelin ee maalintiina waa isku mid , Rasuuleeni subanaana (NNKHH) ”wuxuu waabariisan jirin isagoo Jinaabo qaba oo waliba Sooman, markaasuu maydhan jiray ” waxaynu ka qaadan karnaa inuu qofka Soomani uu maydhan karo ayna soonkiisana waxba u dhimayn, xataa isagoo Jinaabaysan waabariisan karo Soonkiisuna aanu jabayn, qofka dumarka ahina waa la mid.

6. WAXA U SAMAYN KARO INTA WAAGA KA HORAYSA.

Qofka Sooman waxaa u bannaan inuu wax cuno,cabbo ama uu u galmoodo xaaskiisa inta waagu ka baryayo, marka uu waagu baryo waxyaalahaasi wey ka reeban yihiin, haddii waagu u dillaaco isagoo cunto cunaya, amaba isagoo hawl galmasho wada, labadaba dhaqso ayuu u joojinayaa, haddiise uu cuntadii iska liqo isagoo og waaga dillaaciisa amaba uu shaqadii galmashada iska sii wato Soonkiisu wuu ka jaban yahay, waajibna waxa ku noqonaysa inuu dib ka gudo waana lagu yeelanayaa maalinkaa ramadaan.
Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni tobnaad, waxaanan ku talinyaa in qofku weydiiyo culimada inta aanu go’aan qaadan wax yeeli kara soonkiisa, aynu camalka hortiina barasho la nimaadno, Rabbina waxaan ka baryaay inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo insha allah.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI