Madaxweynaha oo Tacsi u diray hambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, golaha deegaanka ee g. Awdal, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirashiid Cali Cilmi (Soommane)

0
283

TACSI MADAXWEYNE-23/06/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, golaha deegaanka ee gobolka Awdal, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirashiid Cali Cilmi (Soommane) oo ku geeriyooday 22-06-2016 magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi kasoo qaybqaatay koboca dimuqraadiyada dalka, kana mid ahaa golihii degaanka ee la soo doorto ee ugu horeeyey ee Boorama, isagoo ay u dheerayd inuu ka tirsanaa, waxgaradkii, iyo xilkaskii soo taban-taabiyey xisbi weynaha Kulmiye, nabadayntii iyo isku soo dhawayntii dadkana sida balaadhan uga soo qaybqaatay.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, golaha deegaanka ee gobolka Awdal, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.