Guddoomiye Xigeenka Wakiillada Oo Soo Dhaweeyay Wada Hadalka Cali Khaliif iyo Somaliland

0
290

Guddoomiye Xigeenka Wakiillada Oo Soo Dhaweeyay Wada Hadalka Cali Khaliif iyo Somaliland

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee aqalka wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Cali Khaliif iyo kooxdiisu ku gaadheen inay Somaliland kala xaajoodaan khilaafka iyo tabashada ay qabaan. Waxa uu sheegay in wada hadalka oo muddo gogoshiisu fidsanayd yahay guul Somaliland gaadhay.

Waxa uu tilmaamay in dalabka wada xaajoodku ka yimid dhinaca Somaliland “ Kooxda la baxday Khaatumo, wada hadalku inbadan buu socday, hadda wuxuun baa timid aqbalaadii, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in wada hadalku sii socdo, waanu soo dhaweynaynaa, in natiijo fiican ka soo baxdana diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi Mr Baashe.

Waxa uu tilmaamay inuu guushaasi ku suntan yahay madaxweyne Siilaanyo “Waxaanu u mahadnaqaynaa xukumadda Axmed Maxamed Siilaanyo, ilaa maalintii uu fadhiistay gogoshu way socotay, hadba meel ha soo marto, haddana meeshii ugu dambeysay ayay maraysaa, waxay maraysaa salaadiintii iyo siyaasiyiintii.Waxaan u mahadnaqayaa shacabka Somaliland siday u soo dhaweeyeen in lala hadlo khaatumo,” ayuu yidhi guddoomiye xigeenka oo la hadlayay telefishanka Somali Cable.

Dawladda Somaliland ayaa dhawaan wada hadal la furtay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa, wada hadalkaasi oo xukumadda Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif ba soo dhawaysay.Wada hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli diwaangalinta codbixiyayaasha lagu wado inay ka qabsoonto deggaannada gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Xigasho Wargeyska Warsugan