Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Hadlay Go’aanka Madaxweynuhu ku kala Qaaday Doorashooyinka iyo Diidmada WADDANI

0
431
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Hadlay Go’aanka Madaxweynuhu ku kala Qaaday Doorashooyinka iyo Diidmada WADDANI

Hargeysa (WSN )- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ka soo saaray muranka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kuna kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiillada oo hore ugu qorshaysnaa in la qabto 27 March 2017, balse hadda uu dib ugu riixay ta Golaha Wakiillada.

Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta, waxa ugu horrayn si mug leh u sharraxay duruufo lama dhaafaan ah oo hortaagan in doorashada Wakiillada la raaciyo midda madaxweynaha, kuwaas Golaha Baarlamaanka, ururrashada bulshada rayidka ah iyo Akadamiga Nabaddu xog-ururimo ay sameeyeen hoosta kaga xarriiqeen sida loogu kala aragti duwan yahay, una adagtahay in si fudud xal looga gaadho, isla markaana xisbiyada siyaasadda laftooda oo Madaxweynuhu hore ugu igmaday ay ku guuldarraysteen inay go’aan ka gaadhaan.

Sidoo kale, waxa uu xusay qabyooyin kale oo aan xilligan suurtogal ka dhigayn xal-u-hellida arrinta, waxaannu yidhi, “Marka duruufahaas oo dhan la eego iyadoo sharciga la eegayo oo xeerkii lagu galay doorashooyinkii barlamaankii uu jideeyey in saami-qaybsigan doorashooyinkaas oo keliya lagu galo oo aan mid labaad lagu gelin, waxa adkaatay in hawshii jirtey awgeed aan laga gaadhsiinin diyaarinta saami-qaybisga, waxa iyana jirtay oo taas barbar socotay inuu xeerku qoraayo in dalka laga qabto diiwaangelin madani ah si codadka loogu saleeyo saami-qaybsiga Golaha Baarlamaanka, diiwaangelintaasina way socotay, laakiin waxa dhacday in khilaafkii gobollada bariga ka jiray awgeed aanay diiwaangelintii ka hirgelin, tiina maanta nabaddan iyo xalintan khilaafaadka bariga oo maanta gebgebogebo ku dhaw ayaa u xal noqonaysa in diiwaangelintii barigana la sameeyo.”
Guddoomiyuhu waxa ku hambaleeyey Madaxweynaha go’aanka uu gaadhay, waxaannu ugu baaqay xisbiyada, gaar ahaan WADDANI in aannu hadal ka keenin heshiiskii ay hore u wada saxeexeen saddexda xisbi qaran, “Markii intaas oo talo ah Madaxweynaha loo gudbiyey waxa uu u saaray xisbiyada qaranka oo ah kuwa doorashada ku shaqada lihi inay xal keenaan, runtiina eeddaas inay xal keeni waayaan waxa naga raacday doqonniimo qoladayadii xisbiyada, waayo waxaaba aannu ku heshiin weynay inaannu dooddii gudo-galno, xisbiga WADDANI waxa uu diiday in arrinta la gudo-galo, hadalna waxa uu isa soo taagay gelimaynee Madaxweynuhu xal ha keeno, wayna nagu adkaatay oo muddo bil ku dhaw baanu is horfadhinay, waxaanna aannu isla horfadhinay arrinta ma galnaa iyo gelimayno, aakhirkiina waxa aannu ku heshiinay saddexdayadii xisbi mar haddii aynu ka maagnay aynu Madaxweynaha ku celino, waxaana aanu raacinay oo wada saxeexnay arrintaas nin waliba ka maagay haddii aynu Madaxweynaha u gudbinno wixii dan qaran ah ee uu gaadho inaynu ku raacno oo aynaan ka hadal, goob-joogna waa loo wada ahaa.”

“Madaxweynuhu qaraar buu soo saaray xisbi ahaana waa ku raacsanahay, waana ku hambalyeynaynaa inuu go’aan soo saaray, aadna uga baaraandegay talooyin bandanna danta qaranka u qaatay, xisbiga WADDANI oo arrintaas diidayna waxaannu leenahay Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa ‘Gar dabadeed baan Guuguu nacaye,’ wax baynu ku heshiin oo qoraal baynu saxeexnaye maanta dhawaaqaas aad keenteen lama filayn, saxna ilama aha, rag wixii uu ku heshiiyey waa inuu ku wada socdaaye waxaanan filayaa inaynu ku dedaalnaa doorashada madaxweynaha inaynu wakhtigeedii qabanno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu amakaag iyo layaab ku tilmaamay in xisbi mucaarad ahi ka soo horjeesto qabashada doorashooyinka Madaxtooyada oo uu madaxweynuhu ku adkaystay qabashadeeda, waxaannu yidhi, “Midina waa yaab oo xisbi mucaarad ah oo la leeyahay doorashadii madaxtooyada halla qabta oo diidan oo ka warwareegaya waa inoo kow, WADDANI-na waxaan leeyahay doorashada si wacan oo aan turxaan lahayn aynu ga wada qaybgalno.”