Ganacsade Xuseen Al Isaaqi Oo Ku Qaabilay Qado Sharaf Maanta Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha Cadaalada Iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Iyo Masuuliyiin Kale

0
401

Ganacsade Xuseen Al Isaaqi Oo Ku Qaabilay Qado Sharaf Maanta Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha Cadaalada Iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Iyo Masuuliyiin Kale.

Hargeisa(WSN):-Ganacsade Sheekh Xuseen Al Isaaqi oo Kamid Ah Ganacsatada Reer Somaliland Gaar ahaan Gobolka Gabiley,Ayaa Maanta Qado Sharaf Ku Qaabilay Masuuliyiinta Kala ah Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, iyo sidoo Kale Badhasaaabka Gobolka Maroodijeex iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bariga Somaliland iyo madax kale oo ka kala tirsan Madaarka Caasimada hargeisa iyo Libereriga Qarnka Somaliland

Kulankan ay Isugu Yimaadeen Ganacsade Xuseen Al isaaqi iyo Masuuliyiintan ka Tirsan Xukuumada Simaliland Ayaa Ahaa Mid Ganacsaduhu Dhiirigalin Iyo Maamuus Sharafeed Uu uga Dhigayey madaxdan Kala duwan, Waxaana Madashan oo Ahayd Mid Aad U Heersaraysay Lagu Lafo Guray Arimo Kala Duwan oo Ay kamid yihiin Adkaynta Amaanka Qaranka Somaliland iyo Sidii Loo sii horumarin lahaa Horumarinta Dalka iyo Isku Duubnida Shacabka Somaliland Barri iyo Galbeedba,

Masuuliyiintan Kala Duwan Ayaa Ganacsadaha aad Ugaga Mahadnaqay, Wajiga Faraxada Ah iyo Sooryada uu ku Qaabilay Masuuliyiintan Ka Tirsan Xukuumada Somaliland,

Sidoo Kale Ganacsade Xuseen oo Siyaasad Ahaan U dhuun Daloola Siyaasada Geeska Africa Ayaa Uga Waramay Masuuliyiintan Caqabado Farabadan oo Dalka Ka Jira iyo Sida Looga Gudbi Karo.

Ganacsade Xuseen Ayaa Ah waa Lataliyaha dhaqaalaha Ee Safiirka Emirate ka u fadhiya wadanka Niger,

Waxaanu Aad Ugu Dheeraaday Waayo Aragnimo Farabadan oo Ku Dhaxlay, Waddamada Dariska Ah Iyo Carabta Oo uu Fadhigiisu Inta Badan Yahay, Waxaanu Sheegay In koboca Marka La Horumariyo Amniga iyo Dhaqaalaha Dalka Uu noqonayo Mid Lugihiisa Isutaaga, Shacabkiisuna Markaa Helikaraan Nolol Aad u wanaagsan oo Caafimaad Qabta,

Masuuliyiintan Ayaa Uga Mahadnaqay Xuseen Al Isaaqi Wakhtiga Uu u Huray Inuu la qaato jaanis islamarkaana Talooyin ku Aadan Horumarka dalka, iyo wixii uu ku kordhin karo uu la qaybsado, waxaanay ku tilmaameen Muwaadin dalkiisa Jecel inuu Horumaro, Waxaaney ku bogaadiyeen Fursadan uu la wadaagay iyagoo Sheegay inay Ganacsatada Kalena Sidaa ugu Dhiiradaan Horumarka Dalkood Fikir iyo dedaal Wixii ay Galinkaraana aaney waxba Ka hagran.

14620144_197695690654460_2122928743_n

14627729_197691060654923_1373635919_n-1

14627729_197691060654923_1373635919_n

14658163_197691083988254_592643167_n