Xirsiyow laba arrimood lagaa iibsan maayo: Waxqabadka Kulmiye ayaan Waddani u wareejinayaa iyo Muuse Biixi baan CV ugu faanayaa

0
326

Xirsiyow laba arrimood lagaa iibsan maayo: Waxqabadka Kulmiye ayaan Waddani u wareejinayaa iyo Muuse Biixi baan CV ugu faanayaa

Xirsi Xaaji Cali Xasan oo in muddo ah Wasiirka Madaxtooyada ahaa ayaa dhawaan ku biiray xisbiga Waddani. Waxaa lagu taagay kursi la yidhi isagaa doortay oo loogu wanqalay “hoggaamiye.” Anigu jagadaa waan la yaabay oo waxaan u arkay in uu meesha ku cidhiidhyey Xildhibaan Jirde, laakiin kolay isaga ayaa innaga garanaya waxa uu ku doortay. Wax lala yaabana maaha in uu siyaasigu had iyo jeer raadiyo gole uu ka muuqdo. Waan ku hambalyeynayaa Xirsi xilkaa cusub.

Waxaan se la yaabay laba arrimood oo uu ku tiraabay, kuwaas oo ii muujiyey in uu Xirsi dadka caamo u wada haysto ama isaga laftiisa ay haysato aqoon la’aan ka badan inta la moodayo.

Waxqabadkii Kulmiye ayaan Waddani ula wareegayaa!

Sababta xisbiyada loo sameeyey waa in boqollaal sanno laga sheekeeyo xisbi waliba wixii uu galay iyo wixii uu guday sida xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga Maraykanka ama Conservativeka iyo Labourka Ingiriiska.

Codbixiyeyaashu waxay kala doortaan xisbiyada iyo mabaadii’da ay kala xambaarsan yihiin, barnaamijyada ay ballan qaadeen ama qadiyadaha ay u taagan yihiin. Ma kala doortaan siyaasiyiinta guurguura ee kolba xisbi ku biira. Sidaa daraadeed waxay ila tahay waa ku ceeb Xirsi in uu yidhaa waxqabadkii Kulmiye ayaan boorsada ku qaadanayaa oo aan u xawilayaa dhinaca Waddani, kadibna dadweynaha waxaan ku odhanayaa wixii xukuumadda Siilaanyo qabatay oo dhan waxa qabtay xisbiga mucaaradka ku ah ee Waddani. Dadkuna sidaasay iga rumaysanayaan oo waliba igu sacabaynayaan. Taasi waxay dhaliil ku tahay garashada Xirsi, waxayna ixtiraam la’aan ku tahay dadweynaha uu taageerada ka rabo.

Waxqabadka xisbiyadu waa sida sumcadda iyo macaashka shariikadaha. Ma odhan kartid macaashkii ay shariikaddii aan u shaqayn jiray heshay oo dhan baan u soo wareejinayaa shariikaddan cusub ee i shaqaalaysiisay. Laakiin waxad odhan kartaa shaqadii shariikaddii hore waan ka tagay, maskaxdaydii iyo cuddudaydii waxaan ku biirinayaa shirkaddan cusub.

Xirsiyow laguma dooran, xasuusnow in aad ahayd fuliye. Wixii aad xaq u lahayd iyo wax ka badana waad ku heshay. Haatan waxaa dadku kaa dhagaysan karaa adiga oo sharaxaad ka bixiya aragtida musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddani. Haddaa ogsoonow aragtida Waddani way kaa horaysay oo iyadana fuliye ayaad ka noqonaysaa. Haddaa ogsoonow hadhowna gaar uma sheegan kartid oo xisbi kale ula wareegi maysid.

Muuse Biixi ayaan CV ugu faanayaa!

Markii iigu horaysay ee aan maqlay magaca Xirsi waxay ahayd 6 sanno ka hor markii loo magacaabay kursigii “Chief of Cabinet” ee shabahayey kan hadda loo asteeyey. Intii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wuxuu ahaa wasiir firfircoon. In kastoo uu awoodda si xun ugu tagri falay, hantidii ummadda ka hodmay, shuruucdii dalka sida uu doono ka soo yeelay, ciidamadii RRU-da cidda uu doono u adeegsaday, haddana waxaan la inkiri karin in magiciisu warbaahinta ku jiray. Wasiir fariid ah buu ahaa, maantana looga biqi maayo in uu noqon waayo hoggaamiye fariid ah. Waa sida Afrika u taqaan fariidnimada.

Cirro iyo Xirsi way ku murmi karaan anigaa kaa CV wacan iyo anigaa kaa CV sarreeya. Laakiin Xirsi taa kulama murmi karo Muuse Biixi. Waa arrin xogogaal loo yahay oo taageereyaasha saddexda xisbi midkoodna kaa iibsan maayaan.

Muuse wuxuu golaha la soo joogsanayaa CV cimrigiisu dhaafayo 45 sannadood. Waxaa la garanayaa mar walba wuxuu u taagnaa. Mar wuxuu ahaa baylood amxaaro ka xoraynaya dhul soomaaliyeed, marna wuxuu duurka ugu jiray in uu gunnimada kaa saaro, marna jabhaddii (karaamo ayay innaga mudan yihiine) iyo daydaygii ka hoos dilaacay ayuu hubka inooga dhigay oo uu dhaqan celiyey, marna wuxuu ahaa mucaarid wax kuu toosiya, maantana wuxu horkacayaa xisbigaa talada haya, beritana wuxu hiigsanayaa madaxweynenimo. Ma isku dhererin karaysaa?

Waxaa hubaal ah haddii uu Xirsi dhawr dhaqan iska dayn waayo, hoggaamiye ha ii joogee, dhakhso ayuu af-miishaar siyaasadeed u noqonayaa. Faan aan loo meel dayin iyo “aniga” joogto ah. Daacadnimo uu kaligii sheegto oo aan lagu raacsanayn (xusuuso baabuurtii uu qirtay in uu kurka ka jaray iyo inta shariikadood ee uu maanta wax ku leeyahay), qabyaalad uu dadka ku caayo reer-Qorilugudna kula shiro iyo sheegashada in uu yahay nin aragti dheer isagoo aan waligii fulin aragti uu leeyahay. Kulmiye wuxuu dabada kaga booday tareenka oo socda, Waddanina wuxu shidhka u fuulayaa tareenka oo socda.

Haddii uu Xirsi xuubdhacsanayo oo uu is cusboonaysiinayo dadku waa soo dhawaynayaan, durbaankana waa loo tumi. Haddiise uu Xirsigii la yaqaanay oo shaadh cusub soo xidhay yahay…waa filin hore loo daawaday!

Ismaaciil Cabdi Warsame

London, UK

ismaaciilcw@gmail.com