Ma Ya’daan (ى) Ogaa Ayuu Laba-Dhibcoodna u Raaciyey

0
1017

Ma Ya’daan (ى) Ogaa Ayuu Laba-Dhibcoodna u Raaciyey

Wakhtiyo hore ama beri hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay guudkeeda ee masaalka iyo tusaalaha loogu soo qaato habkii uu ugaga gaashaantay duufaanadii ceeryaanta lahayd ee dul-hoganaysay.

Wakhtigaasi, waxa ay dadka wax hilaadiyaana ku sababeeyeen in ay ahayd mid ka ukantay cugashadii gollaha xukumadda ee Boqorkaasi, waxa kale, oo ay ku tilmaameen in ay ahayd taasi mid aan si fiican looga fiirsan oo aan loo lafagurin, sidoo kalena, waxa ay ku tiraabeen dhaadin la’aanta wakhtigii uu kala xulanaayey gollihiisa, erayaddii duur-xulka ahaa ee ay u sheegeen aqoon-yahannadii ka soo jeeday beelihii ay ka tirsanaayeen gollahaas, kuwaas oo ahaa sidan:- “ Hebel waa nin aad u fir-fircoon, oo fariid ah, laakiinse, waxa ku jira in yar oo fudayd ah” , Macnaha erayga fudayd ayaa ahaa mid aanu dhaadin macnihiisa boqorkaasi.

Ka dib, markii ay ku abuureen khal-khal iyo jahwareer Boqortooyadaas, waxa boqorku go’aan ku gaadhay in uu u kitaab furo, uguna yeedho sheekh tuf-lahaa oo marka dadka buka dabiibka loogu geeyo ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba, waxaanu dheeraaday xog-warankii, isagoo sharaxaad dheerna ka bixiyey xanuunkii ku dhacay qaar ka mid ah gollaha xukumaddiisa ayuu u sheegay Sheekhii, sidoo kalena, waxa uu ku tilmaamay xanuunkan ku dhacay gollihiisa uu yahay xanuunka la yidhaahdo sal-fudaydka, kaasoo inta badana ku dhaca caruurtu marka ay yar yihiin.

Boqorku isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi :- Inkastoo, haddana lagu tilmaamo xanuunkaasi in ay noqdaan dadka uu haleelaa, kuwo marka ay wax qabanayaan aan ka fikirin waxa ay qaban doonaan, natiijadda ka dhalan doontaa waxa ay noqonayso, taasoo afka- qalaadna loogu yeedho “Attention Deficit Hyperactivity Disorder”.

Ka dib, markii uu fahmay sheekhii tuf-ka lahaa war-bixintii boqorkaasi, waxa uu u dhigay Qar-dhaas Gollihii Xukumaddaas, waxaanu dabiibkaasi uu noqday mid ay kuwada caafimaadeen Gollihii Xukumadda Boqortooyaddaasi.

Muddo dhowr sannadood ah ka dib, markii ay ka soo wareegtay wakhtigaas, waxa mar-labaad ku soo noqday xanuunkii-hore loogaga dabiibay, isla-wakhtigii ay ku celiyeen eheladoodiina, waxa loo sheegay in uu ku maqan yahay safar-shaqo oo la xidhiidhay dabiibida dadka bukaanka ah ee ku noolaa deegaanada miyiga ee aadka uga durugsanaa, safarkaas oo qaadanaayey muddo aad u dheerayd.
Waxa ay eheladoodiina ay go’aan sadeen in ay dabiib ugaga raadiyaan sheekh kale oo ku dhawaa deegaankii ay degenaayeen, ka dibna, markii ay u keeneen ee uu sheekhii kale ka dhageystay war-bixinta xaaladda xanuunkoodaas, waxa uu sheekhu ka furay qoortoodii Qar-dhaaso ka laalaaday oo ahaa Qardhaasihii uu u dhigay Sheekhii tufka lahaa.

Isla-markaana, waxa uu sii fur-furay Qardhaasihii, waxaanu hoostooda ugu tagey war-qado ay ku xar-dhanaayeen xarafka “ى” oo lagu qoray khad-madow, ka dibna, waxa uu soo qaatay sheekhii khad-madow, ka dibna, waxa uu ku qoray oo uu ku dhigay laba-dhibcood xarafkii Ya’da ahaa “ي” hoostoodii, waxaanu warqadihii dib ugu sameeyey Qar-dhaaso kale oo cusub.

Waxaanu sheekhaasi uu ku yidhi:- waxaad u xidhaan marka aad guryahooda aad geysaan, marka ay dhacdo qoraxduna waa inaad ka furtaan Qardhaasahaas, isla-saacado ka dib, markii ay dib ugu laabteen hoygoodii ee loo galiyey Qar-dhaasihii, waxa ay ka sii qaadeen in uu ku sii siyaado xanuunkii hayey, inkastoo, uu ahaa xanuunkaasi kuwa aan la kala qaadin, laakiinse, haddana waxa dhacday in uu xanuunkaasi ay qaadaan dadka kale oo markii hore caafimaad qabay in ay u jiifsadaan xanuunkaasi, kaasoo, cabsi weyn ku abuuray dhamaan dadkii ku noolaa deegaamadii ay ku noolaayeen shaqsiyaadkaasi.

Mudo dheer ka dib, sheekhii tufka-lahaa markii uu uu ka soo laabtay safarkiisii-shaqo ayey u tageen ehelkoodii, iyagoo gacmaha ku sida qardhaasahii uu u dhigay sheekhii kale, waxa kale oo ay isku arkayeen maadaama ay ahaayeen kuwo khaldamay, in ay ka soo barakeystaan sheekhii tufka-lahaa, isla-markii ay kulmeena, waxa uu sheekhu ka dhageystay ehelkoodii war-bixin dheer oo xanbaarsanayd heerka maanta uu marayo iyo in uu ku faafay xanuunkaasi qaybo ka mid ah dalka.
Dabadeedna, Sheekhii tufka-lahaa waxa uu fur-furay war-qaddiihii ku hoos jirtay Qar-dhaasahaasi, waxaanu ku arkay xarafka Ya’da “ي” oo leh laba-dhibcood, waxaanu Sheekhii tuf-ka laahaa uu yidhi:- Ma Ya’dii “ى” aan ogaa, ayuu laba-dhibcoodna uu u raaciyey “ي” .

Waxa aan dhibic ka mid ah fahamka qormadaydan aan u dhaafayaa dadweynaha akhristayaasha sharafta mudan ee illa wadaaga qormooyinka aan ku baahiyo war-baahinta madax-banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti