Sidey daacish uga hadleysaa dagaalka Moosil?

0
406

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka wuxuu bilaabay dacaayad ku saabsan dagaalka ku wajahan xaruntooda ugu weyn Ciraaq ee Moosil.
Magaaladani Moosil ayaa meqaan gooni ah uleh kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka, wana halkii Hogaamiyaha Kooxda ISIS Abu Bakr al-Baqdadi, uu ka jeediyaya khudbadiisi ugu horeysay halkaas oo uu kaga dhawaaqay waxa uu ugu yeeray Khilaafada Islamka.
Tan iyo markii Ciidamada Ciraaq iyo Kurdiyiinta ay bilaabeen dullaanka ka dhanka ah Kooxda Daacish, 17 kii bisha October, ISIS ayaa dhankeeda shegatay in ay dib u riixday Ciidamada Ciraaq iyo xulafadooda, ayna sidookale qasaaro ba`an u geysatay.
Balse waxaa jiray warar is qilaafsan oo ku saabsan Magaalada Moosil. Kooxda ISIS ayaa soo bandhigtay muqaal muujnaya in dadka Magaalada Moosil ay si degan uga dukaameysanayaan wadooyinka Magaalada, halka qaar kalena ay soo sawireen muqaalo muujinaya burbur ka muuqda goobaha rayidka.Daacish waxay ku hanjabtay inay dagaallami doonto illaa qofkooda ugu dambeeya uu ka dhimanayo.
Nolosha waa ‘mid caadi ah’
Daacish waxay sare u qaaday dacaayadaha ku saabsan dagaalka. Waxay soo ban dhigeysaa muuqaallo ka duwan midka ay ciidamada dhanka kale ay sheegayaan.
Wararka ay baahiso barta taabacsan daacish ee Amaq ayaa isbuucan sare u kacay. Waxay xoogga saarayaan hormarka Moosil iyo nawaaxigeeda.
Qaar ka mid ah muuqaallada waxay ku muujinayaan in ganacsiga iyo nolosha ay sidii caadiga ahayd u socdaan.
Mid ka mid ah fiidiyowyada waxaa ka muuqday caruur jidadka ku sugan, iyo suuqyo mashquul ah, waxayna sheegayaan shacabka Moosil qaar ka mid ah ay og yihiin in amniga uu hagaagayo.Daacish ayaa sheegatay in dagaal yahanada Kurdiyiinta ay duqeeyeen dumar iyo caruur ku noolaa Moosil.
Dagaalka ay ku baaqayaan
Ururka la baxay Khilaafada Islaamka wuxuu xoojiyay hanjabaadeeda ah in dagaal adag ay la kulmi doonaan ciidamada Ciraaq iyo Xulafadooda oo ku sii durkaya Moosil.
Waxay kooxda wacad ku martay in dagaalka Moosil uu waqti dheer qaadan doono, sidoo kalena ay natiijo xun la kulmi doonaan waxa ay ugu yeereen cadowgooda ugu sareeya.
Bartooda internetka ayaa lagu qoray war ay ku sheeganayaan weerar is qarxin ah oo dhwaantan ay qaadeen.
Daacish waxay ku sheegatay in 58 askeri ay ku dileen qaraxaasi, uuna hakiyay horey u socodka ciidamada Ciraaq.Dacaayadda ururka la baxay Khilaafada Islaamka si guud ayey u dul martay dhabar jabka ay dagaalka kala kulmeen.
Ma aysan ka hadlin deegaanada faraha badan ee la sheegay in laga qabsaday, hase yeeshee, waxay kooxda qirsan tahay in meelo yar laga saaray.
Ciidamada dalka Ciraaq waxay sheeganayaan in qiyaastii 80 deegaan oo ku hareereysan Moosil ay qabsadeen intuu howlgalka socday.
Taasi bedelkeeda Daacish waxay awood ku tilmaamtay weeraradii Kirkuk iyo Ratba ay ku qaaday.