Madaxweynaha Oo Kulan Sagootis ah La Yeeshay Xulalka Awdal Iyo Saaxil Oo Iyagu Sanadkan Noqday Horyaalada Koobabkii Gobolada Dalka

0
355

Madaxweynaha Oo Kulan Sagootis ah La Yeeshay Xulalka Awdal Iyo Saaxil Oo Iyagu Sanadkan Noqday Horyaalada Koobabkii Gobolada Dalka

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta kulan sagootis ah la yeeshay xulalkii ku guulaystay koobabkii Gobolada dalka loo dhigay sanadkan oo ka koobnaa saddex koob kuwaasoo ay ku guulaysteen xulka gobolka Awdal oo qaaday laba koob oo kala ah Koobka kubbadda Cagta iyo Koobka Orodada, halka xulka Gobolka Saaxilna uu noqday horyaalka koobka kolayga ama baaskidka, halka ay koobka kubbadda cagtana ka noqdeen kaalinta labaad.
Waxa hadalka furay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Faarax Maydhane waxaanu yidhi “Madaxweyne waa ciyaar yahanadii Awdal ee kubadda qaaday iyo kuwii orodada qaaday iyo kuwii baaskidka qaaday ee Saaxil oo kaaga mahadcelinaya martiqaadka sagootiska ah ee aad u samaysay xulalkaasi”

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada kulanka madaxweynuhu la yeeshay dhalinyaradaasi waxa uu yidhi “ Mudane Madaxweyne maanta waxa halkan inoogu marti ah, ciyaartoyadii xulalka gobollada Awdal iyo Saaxil, ee ku guulaystay koobkii kubada cagta, koobkii kubada kolayga, iyo orodada. Waxa uu saaka halkan Madaxweynuhu idiinku marti qaaday in uu idiin hambalyeeyo idiina sii duceeyo, farxad weyn ayey noo tahay inaad maanta qasrigii Madaxtooyada qarankeena noogu timaadaan nuxurka ugu wayni waxa weeye in laydin xuso.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay Qiimaha ay leedahay maamuuska uu madaxweynuhu u samaayey ciyaartoygaasi waxaanu yidhi “ Hogaamiyaha qaranku waa astaanta Umadda midaysa, Umadda halka looga talinayaa waa halka umadda magaceeda iyo maamuuskeedu uu yaalo, waa wax weyn in dadka la maamuuso, Qaran waliba uu dadkiisa maamuuso, waxana looga yeedhaa oo lagu maamuusaa qarankooda halka looga taliyo, waxana maamuus ugu sareeya marka hogaamiyaha Umaddaasi uu isagu maamuuso, arrintaas waxaan jecelahay inaan dhalinyarada hoosta uga xariiqo, waxa laga yaabaa in qaarkiin aanay micno wayn idiin samayn Karin, laakiin micno ayey xambaarsan yihiin kulamada noocan ahi.”

“ Waxaan hambalyeynayaa ciyaartoyadii xulalkii koobabka ku guulaystay. Tartankii ciyaaraha gobolada dalku waxa uu ahaa tartan aad u qiimo badan, maalintii la furayna waanu ka qayb galnay anagoo wafti badan oo madaxweynuhu na hogaaminayo ah, maalintii la xidhayna waanu tagnay, wuxuu ahaa tartan qiimo badan oo isbadal weyni ka muuqdo qaabkii tartamada loo qaban jiray.”
Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena shaaciyey in Xukuumadu ay waddo qorshaha qabashada tartanada kooxaha heerka koowaad waxaanu yidhi “ Mustaqbalka waxaanu Xukuumad ahaan seeska u dhigaysaa oo Wasaaradda ciyaaruhu ay wada in tartanadii heerka koowaad (Serie A)-da, la qabto oo aanay noqon kuwo baaqda, qaranka gobol walba laba kooxood laga sameeyo ka dibana kolba gobol lagu ciyaaro, aakhirkana ay noqoto sida loo kala dhibco badan yahay, sidaas ayey wasaaraddu wada, anaguna waanu ka caawinaynaa, waanan u mahad naqayaa masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa xidhiidhada oo diyaar garow fiican ayey sameeyeen” Wasiirku waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Madaxweynahana waxa hadaladiisa ka mid ahaa “farxad weyn ayey ii tahay in aynu maanta halkan ku kulano, ciyaaruhuna aad ayey ahmiyad weyn ugu leeyihiin qarankan, tartanka ciyaaruhuna ahmiyd weyn weyn ayuu u leeyahay dhalinyarada iyo dalka iyo guud ahaan ciyaaraha kala duwani, annaguna dawlad ahaan waanu dhiirigelinaynaa, tiimamkii ku guulaystayna aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa ka xukuumad ahaan, sidoo kale kuwii laga adkaadayna waan hambalyeynaynaa, qaranka ayey muhiimad gaara u leeyihiin ciyaaruhu waana is dhexgalka bulshada, waxaana naga go’an in aanu sii wadno dhiirigelintaas waanad mahadsan tihiin tiimamkiina guulaystayna waxan leeyahay mar kale hambalyo hambalyo”. Waxaana sidaasi ku soo xidhmay kulankii madaxweynuhu la yeeshay ciyaar yahanada gobolada Awdal iyo Saaxil oo ay wehelinayaan maamulka wasaarada ciyaaruhu.

2563

dsc_0000

dsc_0001

dsc_0002

dsc_0003

dsc_0004

dsc_0007

dsc_0008

dsc_0009

dsc_0010

dsc_0011

dsc_00013

dsc_0013

dsc_0014

dsc_0015

dsc_0017

dsc_0018

dsc_0019

dsc_0020

dsc_00025

dsc_0034

dsc_0036

dsc_0037

dsc_0039

dsc_0044

dsc_0045

dsc_0046

dsc_0048

dsc_0050

dsc_0051

dsc_0054

dsc_0058

dsc_0059

dsc_0061

dsc_0064

dsc_0066

dsc_0069

dsc_0071

dsc_0080

dsc_0082

dsc_0091

dsc_0093

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

dsc_0102

dsc_0109

dsc_0110

dsc_0111

dsc_0113

dsc_0116

dsc_0121