Marooradilaac !!!

0
1124

Marooradilaac !!!

Qaab nololeed ayuu qof walba leeyahay uu noloshiisa u qurxiyo, sida isaga la quman. Aduunka qofku inta uu jiro waxa uu u dhexeeya dhalasho iyo dhimasho, macnaha aduunkuna waxa wayaan inta u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. Qofku inta hore uu barbaaraya, oo waa geed biqlay oo la xananaynayo, markuu labada baal uu la kala baxo ee uu noqdo, sida geed wali jilicsan oo kolba xagasha qaldan laga dabrayo. Waa xiliga uu nugul yahay ee wax la gashan karo. Hanka iyo himilada iniyahooda lagu beeri karo.

Hadii aan muddo badan la soo rafaadayay geedigayga wax-barasho maantaba wan soo gabagabeyay hayaankii dheera ee aan u dhabar adaygay. Hooyaday, oo wax badan igu soo tacabtay, farxadeedu waa mid ilmo ka keenaysa oo aan qiyaas lahayn. Malaha hadii ay ilmadeedu ku dhici lahayd dhulka, doog ayay soo saari lahayd, Ayaan hoos isku idhi anigoo hooyaday eegaya.

Xafladii aan ku qalinjabiyay ee jamacadda way noo soo dhamaatay oo guriga ayaanu si farxd leh ugu soo laabanay aniga iyo walidkayguba. Wan qadeeyay oo qolkayga ii gaarka ah Ayaan anigo faraxsan oo sawiradii wali dawanaya u sii huleelay. cabaar anigoo dhinac mustaqbalkayga ka fikiraya dhinac kalena hurdo iga jiidanayso ayaa waxa soo dhacay hadal tabiyahaygii (mobilekaygii) ii gaarka ahaa. Waa saxiibadaydii aanu muddada badan aqoonta weelka hoos haysanay, saakana farxada wada dhammaynay, salaan kadib. Saxiib kumee iyo halkeed joogta iyo manta waynu farxad qaylaynaye waa caadiye aan ku soo marno ee soo bax. Su’alo degeg ah oo jawaabahooduna daba socdeen, aniga wali afkayga hadal kama soo bixin sidii ayay ku dhigeen, anigoo yaaban oo isleh talow siday wax u wadaan, may iska ka dayeen mise way soo socdaan ’’iyagoo iska kay daaya maalintaa ayaa ii roonaan lahayde’’. Wakhti yar ka dib guriga ayay igu yimaadeen. Dhawr su’aalood oo isku xiga xiga Ayaan isku raaraaciyay iyaga oo i hortaagan, oo u dhigna sidan. Maad walantihiin?, manta oo aynu diyaar u nahay goosashada midhaha, ayaynu qaylayna?, qaadku ma fiicne inaga daaya?. Waxa la yidhi wadar iyo waxid, waa wadarta. saxiibaday way i kaxeyeen, oo ninkaygii islaha iyaga wax u sheeg, ayaa lagu qanciyay inuu maanta farxada darteed u qaylo. Sidii ayaanu isku raacnay oo anu u sii jeedsanay halkii aanu hamiga iyo hiigsiga ku soo aasi lahayn, oo waxaanu tagnay guri ku yaala meel cidlo ah oo laydha ka dhacaysa ay kaa dhigayso mid haraad badan u qabo jaadka.

Maalintaa farxada iyo is fahanku badnayaa. Qaadka ayaanu iska bilownay oo waanu iska sheeko qabsanay. Sheekoyin maad u badan oo aad noo qancinayay ayaanu isla wadaagnay. Markii aanu cabaar wadnay, Ayaan dareemay dareen igu abuuray rajo badan oo bakhtiyay hankii iyo hiigsigii qalbigayga dhimbiilaha ku noqday. Allah farxad badnaydaa oo noloshu fudayd badnaydaa. Maalintaa noloshayda waxaan dareemay inuu qaadku iga dhigayo mid dhamaystiran oo aan wax warwar ah lahayn. Faraxdii aanu maalin qudha u qaylaynay waxay sii cago cagaynaysa muddo bil ah. Hooyaday way i dareensantahay inaanan ahayn inankeedi ay taqaanay ee aan muuqa sare uun uuga eegahay.

Balse hammi shaqo iyo guur ayaa sidan u galay ayay hoosta ka leedahay, oo way moogantahay inan beerwaynta dhex mushaaxayo. Maalinba maalin ayay ii sii dhiibaysay sababta aan u qaylo maalin walba waxay ahayd inaan u soo fikiro sidii aan iskaga dayn laha dareen dilahan damiirkaygii qalajiyay. Anigu wali waxaan isku haysta in aan maalintii farxada ee layga raacay aan wali fadhiyo balse wakhtigu uu tiro iyo xusuusba beelay. Noloshaydii danbe oo dhan waxay noqotay nolol aanan qorshe u dhigan oo aan isku biimeeyo siday tahay. Markay soo dhawdahay maalin kasta xiliga aan bilaabi laha jaadku , ‘’balaaya cuntee’’, ayaa qalbigayga isku dhex qabsadaan hammi ku dhex gumoobay iyo han ku saqiiray oo ay soo yara toosaan, aniguna ma xamili karayo dhimbilaha arxanaka daran ee i tusaya quusta iyo qayrkay inta wax qabsatay, Si aan iskaga bakhtiiyo Ayaan u soo qayla. Sidan bakhtiinta hammigayga ugu jiray ayuu wakhtiguna i barbar cararyay. Ma aqaan goortaan reer yeeshay ee aan waliba curtay balse waa dhab oo wan leeyahay reer qorshe la’aan ku nool. Anigu wali waxba ma tabcan oo waxan ku hoos jira xaynka hooyaday ’’ilahow hooyoyinka noo daa’’. Canaan waalid iyo mid walaalba waxay ka mid noqdeen nolol maalmeedkayga oo ma dhibsade wan iskala qabsaday. qofka damiirka leh ayay in uun wax ku duxaane anigu sootan damiirkayga aasay maaha sideen wax uga qaadan?. Ma moogni anigu ee waan ogsoonahay dib u dhaca noloshayda iyo nolosha ma dhalayska ah ee aan horumarka lahayn. Hadana wan siloonahay ee waxba iskama kay badalaan. Reerkaygu sidayda ma siloona, oo waa dad damiir leh oo doonaya in ay qayrkood wax la qaybsadaan, balse aniga ayaa caqabad culayskeeda leh ku noqday oo ay tallaabo iga qaadi kariwayeen. Ilahay xillo iyo wiil curad ah oo aad u wanaagsan uu i siiyay oo waliba samir badan oo dulqaadku qanjaha joogo. Talow maxan ka soo cadibayay malintaan guursanayay, oo horta ma is ogaaba anigo curtay Ayaan ogaaday in aan reer leeyahaye ‘’Acuudu bilaah’’.

Anigu ma yihi nin la sugi karayo oo badwayntaydii Ayaan kolba dhinac u mushaxayaa, igama qasnaba nololashaydan aasay. Habeen iyo maalin waa noo qaylo iyo is qabsasho aan dhamaad lahayn oo aan xal lahayn oo aan xad lahayn. Ninkayga farxaanka ah ee waliba markuu dadka dhex joogo bashaashka ahi, markaan guriga soo galo waxaad i mooda in luuqa gurigayga aan u maro laygo soo dilay, sida albaabka aan u xidho iyo sidaan qol cidlo ah iskugu soo xidho ‘’Ayaan daradayda’’. In kasta oo ay aad ii jeclayd hadana qofku si kasta oo uu u samir badanyahay hadana marka cidlo iyo ciirsi la’aan isku helaan waxa dhab ah in ay qalibigeedu iska ka xidhayo. Anigu sii jeedka dhabarkayga mooye, soo jeed iyo dhaforkaygu ma muuqdaan umana soo jeedan. Reerka aan ka dhashay quus ayuu iga taaganyahay kuwa aan dhaqanayayna quus ayay taganyihiin, kolay kuwa aan ka dhashay marna is waayi mayne. Miskiintan maxaan u soo lugooyay hadii aan sidan moodayo, dee miyaan is ogaa horta markii aan soo xero galinayay, ‘’acuudu bilaah’’.

Xaaskaygii wanaagsanayd quus aan shaki ku jirin ayay soo istaagtay oo waliba waxay iga codsatay warqadeeda ina aan u raaciyo. Tallo ayaa igu ciirtay hadana waan ogahay halku xaal marayo balse suntii cagaarnayd ee aan damiirka ku dilayay igama maqna oo waan haysta. Reerkaygii sidii ayaanu ku kala fogaanay oo aan uga aqbalay codsigeedii. Aniguna reerkayagii Ayaan dib ugu laabtay sidii wiil reerka ku soo biiray markale. Walidkayga iyo walaaladayba niyad ay igula hadlaan ma hayaan balse waa beer wax dhalay oo inta ay i arkayaan ayay ka door bidayaan. Maalinba maalin ha ii sii galbiso muddo sannado ah Ayaan wali ku jira maalintii farxada qalinjabintaydii jaamacadda. Waligay waxba ma tabcan hadan ama waayo wax aan siisto jaadka, ‘’anigo waaya ayaa ii dhaami lahayd malahe’’.curadkaygii oo aan ka fogaaday si aanu dhaqankayga u yeelan, ilahayow mirqaan Ayaan ku dhalaye ii badbaadi, istakhfurulah. marka ayayddii loo keeno ayaan arka oo quruxda iyo ka raysashada ka muuqata korkiisa, ma moodaysid in aan anigu dhalay. Kolay nin baan ahayo waxna wan yara maqlay. In gabadhii nin wanaagsan oo shaqaysta oo aan sidayda suntu ku mudnayni uu guursaday. oo waxba igalama duwana wararka caadiga ah ee aan qaadka ku dul maqlo. Ileen damiir maba lihiye.

Hadii aan maalintii qaatay shahaadada degreega, manta waxaan ka haysta master shahadada qaadka iyo waxyeelada nolosha. Cimrigaygu sida uu u sii socda wan arkayaa lakiin awood uma lihi in aan joojiyo hadii aan ka fa’idaysan lahaana, hammigii, hankii iyo damirkiiba waan sumeeyay. Maalin qudha ayay aniga ii tahay sannadada faraha badan ee aan is jidh diidsiinayo in aan xisaabiyo. Cidlo, colaad iyo ceeb Ayaa hal mar banaan iga helay. Ciilka iyo dibinta oo aan qaniina waxba ii tari mayso waayo halkaan ka soo dhacay, hadii aan waligay jirana dib u gaadhi kari maayo. Maalin ka mid noqon gaadhay maalmihii damiir xumada iyo darxumada anigu oo halkii xundhurtaydu ku luntay fadhiya, oo markaas uun soo fadhiistay ayuu ilahay garasho i siiyay. Ilahay waxba kuma aha adoonkiis inuu hanuuniye, caqligayga oo ila hadla muddo ayaa iigu danbaysay, damiir la’aanti iyo darxumadii ii dheerayd, uunba hal mar lay tusay, ‘’subaxaan’’. Halkii Ayaan kaga soo kacay suntii cagaarnayd. Waan tashaday oo nolol cusub Ayaan la jaan qaaday, sidii ilma yar oo sabi ah. Khuruuj Ayaan nafta warmaha aan ku jeexjeexay ku soo dabiibay, muddo bilo ah. Kadib dadaal xamaasad leh Ayaan la imid oo aan mustaqbalka yare e ii hadhay waaba hadii aan sii noladee aan ku jiheeyo. Hooyaday way aragtaa is badalka baxaadda leh ee wiilkeeda ku yimid oo ah kii ay taqaanay sannado ka hor, iyadoo isoo eegayso oo farxad badan ka muuqato ayay tidhi ‘’masha allah’’ hooyo waa hooyo uun qof ay dhashay waligeed ka rajo dhigi mayso. Halkii Ayaan noloshii iyo cimrigii degdega aha dabo marteeyay, ganacsi yar oo aan sida u sii badnayn Ayaan bilowday, oo kolba isa soo tarayay ilaa uu ii noqday ganacsi wayn oo laamo badan yeesha. Anigoo wax badan ka soo waayo arkay sunta cagaaran, waxaan kula talin lahaa ubax dhalinyaradda ah ee dalka inayna sunta damiirkooda dilaysa u dhawaan oo ayna nolosha ka dhicin. Ilahayba wax hanuuniye ilahay dhalinyaradda haka badbaadiyo.

Fg: sheekadu aniga igama hadlayso, anigana maaha qofka ay sheekadu ku dhacday.

W/q: Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi gardaf

Facebook.com/cabdiqanimaxamedcabdilaahi