Jubbaland oo Dil ku Xukuntay mid kamid ah Ergada Doorashadii ka dhacday Kismaayo

0
304
Delegates queue up to cast votes for their candidates during the electoral process to choose members of the Lower House of the Somali Parliament in Kismaayo, Somalia on November 8, 2016. AMISOM Photo / Awil Abukar

KISMAAYO war sugan – Maxkamad ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland oo ku taalla magaalada Kismayo ayaa dil ku xukuntay Cumar Faarax Ismaaciil oo horay u dilay mid kamid ahaa Ergada doorashada Aqalka hoose.

Cumar Faarax Ismaaciil Loohaan oo qudhiisu kamid ahaa Ergada doorashada Beesha Shiikhaal ayaa mindi ku dilay Cabdiraxmaan Maxamed Carab oo ahaa odey kale oo Ergada ka tirsanaa kaddib markii ay murmeen.

Xubno kamid ahead Ergada ayaa sheegay in marxuumka la dilay uu kasoo horjeeday musharax Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa Wasiir dowlihii Xafiiska Raiisal Wasaaraha Soomaaliya halka gacan ku dhiigluhu kamid ahaa ergada doortay.

Ciidanka Jubbaland ayaa 5-tii Nofeember gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha ,waxaana ugu danbeyn lagu xukumay dil ,iyadoona Jubbaland sheegtay in lagu fulin doono dhawaan.

Doorashadii aqalka hoose ayaa waxaa hareeyey khilaafyo iyo gacan ka hadal,waxaana ilaa hadda ku dainty ku dhawaad shan qof oo kamid ahaa ergadii wax doorata