“Ma Riwaayad Baanu Metelaynaa Markaanu Daqiiqad Walba Wada Fadhiyayno?” Guddoomiye Ramaax

0
356

“Ma Riwaayad Baanu Metelaynaa Markaanu Daqiiqad Walba Wada Fadhiyayno?” Guddoomiye Ramaax

Burco(Warsugan) Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), guddoomiyaha gobolka Togdheer, ayaa sheegay inaanu jirin khilaaf kala irdheeyay isaga iyo maayarka Burco Maxamed Muraad. Hadalkiisan ayaa ka dambeeyay markii bulshada Burco fagaareyaasha ku arki wayday labada masuul oo wada jooga, islamarkaana ay soo baxeen warar bulshada ku faafay oo sheegaya in khilaaf u dhexeeyo.

Mudane Ramaax oo shalay saxaafaddu waydiisay ayaa ku dooday in gurmadka dadka abaaraysan kala mashquulisay labada masuul laakiin, ay si gaar ah isu arkaan “Waxba kama jiraan warkaas, xalay waanu wada joognay, maantana waanu wada joognay laakiin, hawsha gobolka taal maaha mid shaw la bixiyo.Hawl la qal-dhabayo ayaa taalla laakiin, shaqo uun baanu ku kala maqanay,” ayuu yidhi mudane Ramaax.
Isagoo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “Maaha haddii la isku kiin arki waayo afar iyo labaatanka saacdood ma qabo, aniga shaqadayduna sidaasba maaha, horena waan idiinku sheegay. In umadda loo shaqeeyo weeye, hawlo badan baa gobolka yaalla, hawlahaa yaalla in nin walba dhinaciisa ka qabto mooyaane ma riwaayad baynu matalaynaa? Haddii aanu daqiiqad walba wada fadhino, ma gaadh baanu iska haynaa,” ayuu yidhi mudane Ramaax.

Badhasaab Ramaax ayaa dhawaan loo magacaabay gobolka Togdheer, waxaana lagu ammaanay gurmadka abaaraha oo uu madaxyo u qaybiyay madaxda dawladda ee gobolka, kaasi oo qolo walba aag cayiman u gurmanayso.Ramaax ayaa waayo aragnimo ka korodhsaday gobolka Awdal oo uu joogay abaarihii adkaa ee sanadkii hore ku dhuftay gobollada galbeedka Somaliland.

Xigasho Wargeyska Warsugan