Dhacdo_Qalbiga_Xanuujinaysa…

0
462

Xamdi waa Gabar Nafteeda Lagu dhibaateeyey Baydhabo, sheekadeeda waxay Ku bilowday Sidaan:

”Waxaan joogaa oo kunoolahay Magaalada Baydhabo Magacaygu Waa Xamdi Maxamuud Kurhaye waxaan Jiraa 19 Sano, waxaan rabaa umada Soomaaliyeed shacab iyo dowlad ba inaan u sheego Dhibaato igu dhacday oo aana Hadda Kahor sheegin inaan sheego, dhibtaas oo ah Mid aniga I taabatay aysan Jirin Cid Ila qaybsatay aan ka ahayn Ehelkayga iyo Qarabadayda.

Waxaan ahaa gabar Lanool waalidkeed Hooyaadeed balse aabbe iima Noola, maalin hadda Laga Joogo Sanad iyo Bar Kahor ayaa waxaa Maamadayda Iidirtay Xaafad aan qaraabo nahay, aniga oo kasoo laabtay Xaafadii ay waqti ahaan tahay Maqrib gadaashiis waxaa wadada is dhinac soconay Wiil Qaba Tuute iyo qara, kadibna wuu i salamay Salaan kadib waxaa soo gaarnay Meeshuu ku leexan lahaa kadibna wuxuu iga codsaday inaan Siiyo Numberkayga aniga oo walalnimo ahaan u tixgelinayay ayaa siiyay Hormuud aan lahaa.

Laba Maalin kadib ayuu isoo wacay salaan kadib waa is waraysanay wuxuuna ii sheegay inuu i yaqaan oo Qaraabo aan nahay oo aan isku cidnahay balse ani ma xaqiinin karin waxaa Isku nahay, dhowr maalmood kadib wuxuu isoo bandhigay inuu u baahan yahay qof ahaan oo uu rabo inuu adeeradat iga Doono, anna waxaan dhahay haddaa garanaysid cideena u tag ilaa asaga dhahay isku reer baynu nahay xataa adeeraday dhamaantood wuu wada garanayey, Wuxui Codsaday Inta uusan Adeerayaal u tagin Kahor inaan Kulano oo ka wada Hadalno waxyaalo badan sida Meherka iyo arimahooda anigana waan yeelay maxaa sababay waa markii iigu Horaysay oo aan shukaansi ama xiriir sameeyo.

Waxaan Balanay Habeen Arbaco soo Galayso waxaana ku balanay meeshaan ku kala leexanay Fiidkii aan Is baranay, hadi tagay meeshii waxana u tagay asagoo wata Gaari yar oo aan lahayn Taarikada Baabuurta aniga Markaas niyadayda waxaa kusoo dhacay islamarkiiba arimo ah in naftayda uu halaag galin karo nin aana sifiican u aqoon, hadaan salamay waxa u sheegay inaana Gaariga Raaci karin waligayna aana fuulin nin gaarigiis Muran dheer kadib waxaa Meel noo dhow soo istaagay Askari Qori wata Wuxuuna yiri ka dhaqaaqa meesha yarey Ninka Gaariga watana dhaqaaq dheh, anigu markaan arkay xaalada in meesha aan la taagnan karin ayaan Shirka gadaale galay gaariga waxaana iri walalow dhanka xaafadeena aad wadada kusii sheekaysanee.

Wuxuu Bilaaabay inuu Gaariga Daaqadaha amaaniyo kadibna Xawaare Sare kusocdo, ilaa uu Magaalada Ka baxay oo uu tagay Meel Duur ah oo dhanka Bari ka ah Magaalada Baydhabo, wuu istaagay kadibna wuxuu bilaabay inuu daaqadda banaanka ka furo oo gacanta i qabto banaankana isoo tuuro kadibna Gaariga inta uu gadaal ugu laabtay Qori kala soo Dago asagoo sheegay hadaana yeelin amarkiisa inuu i toogan doono, waan diiday Laad, feer, iyo Jug badan buu igu dhuftay, intaas ayadoo igu dhacayso ayaa waxaa soo istaagay Gaari Bas caasi ah oo ay wataan Askar kale oo uu kujiro ninkii meesha Naga Cayrinayey oo ay isku askar ahaayeen Isku Shirqoolna ay wateen.

Aniga markaas waxaa i qabtay laba Nin waxaana La iisii jiitay Meel Geedo waawayn leh oo Xas ah, Miyirkayga waxaa iigu danbaysay anoo Ay Dharbaaxo ila dhacayaan anna aan qaylinayo waxaa Miyirkaygi soo laabtay Maalin kadib anoo jiifa Meel cidlo ah oo habeen ku dhaxay meesha balse anaa ogayn anigu oo Koomo ayaan Kujiray, maanan kici karin qaarkayga danbe dareenka dhan baa kamaqnaa, waxaan u xamaartay Wadadii iigu dhawayd, waxaana isla markiiba soo maray gaari yar oo qudaarta keena magaalada waana ii istaagay anoo uga sheekeeyey arinkii waxana la ii kexeeyey Xaafadeeni oo hooyo la ii geeyey, hooyaday iyo cideeni oo yaaban baan u tagay anoo Tacbaan ah, kadibna waxaa la ii qaaday Saldhigga booliiska, dacwad la qoray kadib isbitaal ayaa la ii kexeeyey.

Hadalka hadaan soo dhameeyo Dabagal kadib saldhiga, qaraabada, iyo Maxkamadiiba waxay ogaadeen Falka cidii ii gaysatay inay ahaayeen Ilaalada Madaxwayne Shariif waa madaxwaynaha Koonfur Galbeed, hadii Reerkeeni dacwadii shariifka loo geeyey wuxuu Inkiray oo diiday in ilaaladiis waxaas aysab ka suurta galin, anaa la isoo Kexeeyey waxaana la ii geeyey Ciidan jooga Guriga Madaxwaynaha waxaana la i dhahay Ma garan Wajiga raggi isla markiiba waxaa indhahayga qabteen Ninkii falka ka danbeeyey iyo midkii I la jiidayey wana sheegay intaas kadibna buuq bay sameeyeeen waxaana Banaanka si bahdilaad ah loogu saaray aniga iyo Hooyaday iyo saddex adeeraday ah.

Ilaa hadda waxba lagama qaban waxaaba aniga iyo Cideenaba kusocota Hanjabaad nagaga imaanaysa Dad ka ag dhow madaxwaynaha iyo Ilaaladiisa, Hadda waxaan leeyahay Haystaa Wiil Sideed Bilood Jira, islaamka ilaahay ee lasocda xaalkayga waxay Talo igu siiyaan inaana danbi lahayn ilaahayna Ka abaal marinayo Wixii saan sameeyey iyo Masuuliyiinta ay la joogaanba, maxkamadna aan la sugo xilli ay ahaataba marka Dowlad Soomaaliyeed lahelo, anigana Ilaahay baa Mahadleh hadda Caafimaad Taam ah ayaan haystaa Balse waxaan arinkaan uga waramay in Gabdhaha soomaaliyeed maalinkasta dhibkaan loo gaysto isla markaasna gabdhaha soomaaliyeed aan Gaarsiiyo Fariintayda oo ah Gabdhow majirto cid inoo danqanaysa, majirto cid xuquuqdeena leh, majirto Cid dhiigeena leh sidaa darteed abaayo macaaney Nin iska Ilaali, nin yuuna Cidla kaahelin, nin ha aaminin Fadlan Sharaftu Guriga ayay kujirtaa taasna waa cashar aan hadda Bartay,

Fariintii Dhibanuhu Waa Taas ee Gabdhow is Gaarsiiya Fadlan Oo Share kula wadaag Asxaabtaada

Xigasho: Qisooyin jacayl oo dhab ah.