“Safaaraduhu maslaxada kama soo horeeyaan ee way ka dambeeyaan imaaraadku way ka furan doonaan safaarad Somaliland”
“Waxaan dadka ku qancinayaa inaanan dheef gaar ah ku qabin saldhiggan ee ay iga tahay uun inaan dalkayga horumarkiisa ka shaqeeyo”
Abu Dhabi(WSN)- Wakiilka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ahmiyadda heshiiska saldhigga Millatari ee ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo ay ku lammaan yihiin mashaariic waaweyn oo dawladda Imaaraadka carabtu maalgelin ku samayn doonto kuwaas oo laga hirgelin doono Somaliland.
Baashe Cawil, waxa uu dhaliilay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ku tilmaamay inuu ka soo horjeedo fursado maalgashi iyo siyaasadeed oo Somaliland raadinaysay inay kasbato rubuq qarnigii la soo dhaafay. Waxa kaloo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dadka ku dooda in saldhigga millatari uu saameyn taban ku yeelanayo nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso.
Safiirka Somaliland ee Imaaraadka carabtu, wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu shalay khadka Telefoonka ku siiyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax, isagoo ku sugnaa goobtii lagu kala saxeexday heshiiska saldhigga millatari ee dalka isku-taga imaaraadka carabtu ka furanayaan Madaarka Berbera.waxaanu waraysigaas iskaga difaacay dadka ku eedeeya inuu heshiiskaas ku qabo dano dhaqaale. Waraysigaas oo dheeraa, wuxuu u dhignaa sidan:-
S.Danjire, waxaad nooga warrantaa heshiiskan millatari ee Berbera laga samaynayo ee qalinka lagu duugay,cidda kala saxeexatay iyo tafaasiishiisa kaleba?
J:.Heshiiskan ay maanta (shalay) kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta oo maanta (shalay) oo ay bishu ahayd 19.03.2017-ka ka dhacay xarunta dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi,waxa kala saxeexday Wasiirka Arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire oo metelayay dhanka Somaliland iyo Agaasimaha guud ee Abu Dhabi Zone Maxamed Sheekh Al-Subaydi oo metalayay dawladda Imaaraadka carabta.
Run ahaan heshiiskani wuxuu ahaa mid dhinacyo badan taabanaya dhanka nabadgelyada, shaqo abuurka,horumarka,taakulaynta markay noqoto arrimaha tamarta. markaa waxaan odhan karaa wuxuu ahaa heshiis guud oo dhinacyo badan taabanaya oo ay kala saxeexdeen dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.hawshanina waxay ahayd hawl muddo laba sanno ku dhawaad mid soo socotay maantana midha dhalkeedii iyo heshiiskeedii uu soo dhammaaday. markaa markaan soo koobo waxaan odhan karaa kulankaasi wuxuu gunaanad u ahaa hawshii lagu dhammaystirayay heshiiskan.
S.Heshiiskan lacag intee leeg ayaa ku baxasa, muddadiisuse waa imisa sanno?
J: Horta heshiisyada noocan oo kale ahi waxa la gala 25 sanno. illaa 30 sannadood qaarbaa gaadha illaa 40 sanno ama 50 sanno. laakiin heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta, heshiiska khusaysaa dhanka Madaarku waa 25 sanno oo dalka Imaaraadku saldhig Millatari u isticmaalayo Madaarka Berbera.Dawladda Somaliland-na waxay dalka Imaaraadka Carabta heshiis kula gashay in ay madaar cusub u dhisto. madaarkaasina wuxuu noqon doonaa mid diyaaradaha ganacsiga ah kuwa xamuulka qaada ama kuwa rakaabka ahi ay isticmaalaan oo loo adeegsado baahiyihii kale ee madaarka Berbera loo qabay-ba mid madaarka kale loo wareejiyo, kii horena uu noqdo mid saldhig Millatari ah oo u gaar ah dalka Imaaraadka, dabcan waxyaabo kale oo badan ayaa heshiiska faa’iidadiisa ku jirta.
Waxa kaloo ka mid ah heshiiska in dawladda Imaaraadku dhisi doonto waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale oo ah waddo dheer oo 250 km ah, waddadaas oo Somaliland ay raadinaysay 25-ka sanno ee qarankani uu jirayba cid u dhista. waxaa kale oo si dhakhso ah u bilaabmi doona dhismaha dekedda cusub oo ku dhammaan doonta muddo 2 sanno ah,markaa dhismaha Dekedaasina ay dhammaan doonto sannadka 2020-ka. markaa waddadaasi waxay qayb wayn ka tahay hammigii iyo himiladii aynu muddada dheer lahayn ee ahayd in aynu ganacsigeenna u geyno dalka Itoobiya oo ah in ay hesho dekedeennu fursad ay kula tartanka dekedaha kale ee mandaqada in ay maanta tii rumawday oo ay fursadani ay noqotay mid taa suurta galisa.
S: Danjire, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo toddobaadkii hore ka hadlayay machadka Chatham House ee ku yaalla London wuxuu heshiiskan aad saxeexdeen ku tilmaamay inuu ka dhigan yahay hanti ummadeed oo bilaash lagu bixiyay, fikradaas maxaad kaga jawaabaysaa?
J: Horta waa ayaan darro nin isagu ka tirsan nidaamkii dawladnimada ee maanta dalka ka jira, Cabdiraxmaan, waa Guddoomiyihii Golaha Wakiillada oo qayb ka ahaa labadii gole ee heshiiskan ansixiyay isla markaana maalintii Madaxweynuhu golaha soo dhigayay fadhiyay oo xubno badan oo golihiisa iyo xisbigiisaba ka tirsanina ay u codeeyeen in uu maanta sidaa u hadlo.
Hoggaamiyaha saxda ah ee ka talinaya aayaha iyo danta ummaddiisu waxyaabaha wanaaga ah ee dalkiisa iyo dadkiisa wax u taraya kama eego shakhsiyadiisa iyo iyo danihiisa gaarka ah oo ma yidhaahdo aniga arrimahayga miyay waxaasi ka hor imanayaan ee laakiin haddii uu u arko waxaasi in ay danta guud ee caamka ah wax ka tarayaan wuu taageeraa. Waxaa maanta ayaan darro ah in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah WADDANI Cabdiraxmaan oo ka mid ah qaybihii dawladnimada ee la hadhsanayay in isagii intuu istaago wax ummadani ay 25 sannadood ay halgan ugu jirtay oo ay raadinaysay oo ay maanta heshay oo dawladdii Somaliland iyo dawladdii Imaaraadka Carabtu iyagoo laba dawladood oo siman ah ay kala saxeexdeen in uu yidhaahdo waanu ka soo hor jeednaa iyo ku muddaharaada waa ayaan darro.
S. Laakiin Danjire, wuxuu ku doodaayaa in aanay hawshani si hufan u socon oo aanay waxba kala socon, waxna laga waydiin,markaa isaga marna Xukuumaddu gaar ma ugu yeedhay oo ma kala hadasheen saldhiggan Millatari?
J: Waxa weeyaan wixii u yeedhis iyo kala tashi ah iyo wixii fulin ah iyo hawlaha noocaas markay ay socdaan wixii dhiraan-dhirrin ah iyo soo dhammayn ah waxaa iska leh xukuumadda, laakiin markay soo dhammaadaan ee waxaa la hor keenaa goleyaasha, labada golena waa la horkeenay, mana arag Cabdiraxmaan oo leh su’aal baan ka qabaa ee Madaxweynaha iyo dadkii kale ee hawsha waday aan arko. laakiin waxaan maqlay Cabdiraxmaan oo markii golaha la keenay fadhiyay oo illaa markii la ansxinayay joogay oo markii hawshu dhammaatay kacay oo ka hor yimmi, taasna waxaan u arkaa nasiib darro.
S: Waxa jira dad ku doodaya oo leh Danjire Baashe,ayaa ka mid ah dad dheef gaar ah ku qaba saldhiggan iyo heshiiskiisa, dadka sidaa qaba maxaad ku qancinaysaa?
J:Waxaan ku qancinayaa in dheef gaar ahi mid dhaw iyo mid fog toona in aanan anigu ku qabin oo aan ahayn in aanu dalka iyo dadka ugu shaqaynayno oo aanu ugu soo kordhinayno oo aan horumar wixii dalkeenna wax u soo kordhinaya ee wax u taraya aanu awooda saarno.
Anigu shaqsi ahaan xilkani wuu igu cusbaa oo laba sanno in ka yar baan hayay, waxaa ii magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilanad, markaa uu ii magacaabay Somaliland waxay jirtay muddo 23 sanno ah, muddadaas intaa leegna wax safiir ahna kumaynu lahayn halkan(Imaaraadka Carabta)manay jirin dad intay iyagu is xilqaameen ama dawladda ha ka tirsanaadaan amma meelo kale ha ku jiraane mashaariic noocan oo kale ah keenay. markii Madaxwenuhu xilkan ii magacaabay anigoo ku shaqaynaya siyaasadda Madaxweynaha,safiirna waxaa loo magacaabaa in uu xambaaro siyaasadda dalkiisa oo uu qaddiyadiisa ka iibiyo dalka loo magacaabay. markaa waxaa ayaan darro ah in aniga oo shaqadaydii gudanaya oo dalkaygii u shaqaynaya oo waxyaabaha dalkaygu ku wanaagsan yahay hadday tahay saldhig Millatari iyo hadday tahay mid ganacsi,mid beereed mid kalluumaysi aan dalkaygii horumarkiisa iyo maalgashigiisa ka shaqeynaya oo aan dawladda Imaaraadka ku leeyahay intaasoo fursadood oo maalgashi ayaa dalkaygii ka jira, waa nasiib darro in dad ay igu caayaan oo ay yidhaahdaan wax buu ka dilaalayaa. Anigu safiir baan ahay dalkayga ayaan u shaqaynaya muddada yar ee aan joogayna waxaa ii hirgalay in shirkadda Fly Dubai ay dalka 7-da maalmoodba duulimaad ku timaaddo,in DP World heshiis dekeda ah oo caalamiya dalka la gasho in heshiiskii saldhigga Millatari maanta la saxeexo, dhammaan heshiisyadaasina mid kastaaba wuxuu ahaa heshiis cad oo dawlad iyo dawlad ah amma shirkad iyo dawlad ah,meel uu Baashe ka soo galo iyo meel uu wax ku leeyahay toona ma jirto.
Markaa anigu waxaan u arkaa dad xaasid ah oo guusha iyo horumarka iyo wanaaga dalka aan jeclayn oo hadday iyagu iska dhex arki waayaan meel ay ka soo galaan odhaya waanu baabiinaynaa.
S:Danjire, muhiimadda heshiiskan Millatari uu yeelan karo, marka laga hadlayo waxay dadka qaar is waydiiyaan dawladda Imaaraadka Carabta ee aynu la saxeexanayno heshiisyadan waawayn Maxay safaarad ama qunsuliyad uga furan wayday Somaliland?
J:Horta in badan waan maqlaa rag mucaarid ah oo leh dalka Imaaraadku safaarad kuma laha Somaliland oo taa dhaliil uga dhigaya, waxyaabo kalena way ku maagaan oo way ku dhaliilaan dalka Imaaraadka Carabta oo ah dal aynu walaalo nahay oo maanta dalka Somaliland wax badan oo dhiiri galin mudan oo la qabsaday oo la sameeyay,markaad eegto Safaaradaha waxaa la keenaa markay maslaxaduhu bilaabmaan ee wax la wadaago intaanay maslaxaduhu bilaabmin safaaraduhu ma yimaadaan. Safaaraduhu maslaxada kama soo horreeyaan ee way ka dambeeyaan oo meesha markay maslaxadi jirto ayay safaaraduna timaaddaa.
Markaad eegto dalka Jabuuti oo muddo dhawr iyo soddon sanno dal madax-bannaan ahaa markii ay bilaabantay heshiiskii DPW ee dekeda Dooraale ee Jabuuti ay wadagaleen ka dib ayay dalka ka furteen qunsuliyadda Imaaraadka ee Jabuuti. markaa ka dib ayaanu xidhiidhka labadooda xafiis bilaabmay,dabcan haa dawladda Somaliland way kala hadashay dawladda Imaaraadka Carabta, waanay imanayaan maadaama maalgashi 442 Milyan oo Doollar ah ay dalka gashadeen oo ay dekedii Berbera maalgashanayaan maadaama ay saldhiggii Millatari ee ugu waynaa ay ka samaysanayaan Berbera. maadaama oo ay isha ku hayaan in ay heshiisyo kale oo maalgashi in ay Somaliland la galaan, way imanayaan, waanay ka furanayaan maslaxadeenna iyo maslaxadooduna way isku xidhmaysaa, waanay ka furan doonaan.
S: Dadka qaar markay saldhig Millatari maqlaan markiiba ay sawiranayaan meel la weerarayo iyagoo qaarkoodna ay ku doodayaan Doonidii lagu duqeeyay baddu ay tahay bilowga khasaaraha ka soo socda Saldhigga Berbera, doodaas side baad u aragtaa?
J:Horta waxa la yaab leh saldhigeenna Berbera Imaaraadku ka samaysanayo, waxa loo leeyahay masiibooyin baa ka soo socda, caalamka dalal badan ayay saldhigyo Millatari ku yaallaan oo boqolaal saldhig ayaa laga samaystay, walina maynaan maqal saldhig Millatari oo dhibaato ka timmi.markaa anigu waxaan garan la’ahay rag mucaarid ah oo leh khatar iyo gantaal baa innagu soo jahaysmaya. Halkay ka keeneena ma garan karo. waxaasina maaha wax jira.
Saldhiyada Millatari dalalka ugu badan ee caalamka ka samaysta Maraykanka ayaa ugu badan, dalalka ay ka samaystaanna waxay ku soo kordhiyaan faa’iidooyin badan oo ay ka helaan iyo tababbarro dhanka ciidammada ah iyo kor u qaadista dhanka ammaanka la xidhiidha.
Saldhigga Millatari ee Imaaraadku Berbera ka furanayana waxaynu ka helaynaa fursado badan oo qaran ahaan inoo dan ah. waxaanu xoojinaya dhanka ammaanka iyo iskaashiga dhanka nabadgelyada ah iyo ka hor tagga maraakiibta sharci darrada ah ee badda ka kalluumaysan jiray ama qashinka ku daadin jiray oo dhammaantood imika aan dib u soo galayn biyaha badda Somaliland maadaama ay in badan la shaqayn doonaan ciidammadeenna badda maadaama ay keeni doonaan raadaarro lagula socdo badda wax kasta oo ka jira. waxaa kale oo uu inoo leeyayay kor u qaadista tababarka ciidammadeenna. Sidaas darteed belaayo aan jirin looma yeedho wax dhibaato ah oo halkaa ka soo socotaana ma jirto Somaliland faa’iidooyin tiro badan ayaa ugu jira.
S: Heshiiskan Saldhigga iyo kii Dekeda Berbera sideebay waxtar ugu leeyihiin horumarka Somaliland ee dhinaca dhaqaale marka la isku daro?
J: Heshiisyada noocan oo kale ah ee ay galaan dalalka innagoo kale ah (Somaliland) ee ay dhibaatada dhaqaale ka haysato dhanka maalgashiga marka ay gelayaan wax wayn ayay u taraysaa. markaad eegto xagga amniga iyo markaad eegto xagga dhaqaalahaba dhawaan waynu oganayn oo markab ayaa lagu afduubay xeebta Puntland oo ay qafaalatay koox budhcad badeed ahi, waanaynu ognahay baddaa aynu joogno dhibaatada ka taagan amnigeeda iyo mashaakilaadkeeda waxaa kale ee aynu ognahay dhibaatooyinka ka haysta ganacsatadeenna markay doonayaan in ay badeecado dalalka kale ka soo iibsadaan mashaakilaadka ay kala kulmaan kuwaasoo ay ka mid yihiin in meesha ay wax u soo raranayaan baddeedu ay ammaan tahay iyo arrinta caymiska, laakiin maanta mar haddaynu helnay dawladda Imaaraadka oo meeshii llaalinaysa ammaankeeda oo badda Somaliland ay wada ilaalinayaan ciidammadii Somaliland iyo kuwii Imaaraadku waxay ogyihiin in ay nabad tahay oo ay iman karayaan.
Waxa kaloo hoos u dhacaya qiimihii caymiska cirka lagu geyn jiray, maraakiibta Berbera imanaysa oo aan imika laga bilaabo aan jirayn oo la qiimo noqon doona inta lagu tago Jabuuti iyo marsooyinka kale ee mandaqada,waxaa kale oo shaqo ka heli doona dhallinyaradeennii badda ku dhiman jirtay ee tahriibaysay ee shaqo la’aantu eryaysay.
waraysi gaar ah
Cumar Maxamed Faarax