“Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Hore Gaashaanka Ugu Daruuray Geellaha Jabuuti Oo Doonaayay In Deegaamada Saylac Ee Somaliland Ay Dawlad Ahaan Ka Qotaan Ceelal Biyood Oo Laga Waraabiyo Djabouti…” Mustafe Shiine

0
286

Biyihii ay doonayeen inay Saylac ka helaan buu yidhi ” Somaliland waxay naga codsatay inaanu ku caawino aqoonta aanu maamulka biyaha u lee nahay “. Waxana qodobka keliya ee siyaasiga ah ee kaga hadlay kulanka labada madaxweyne ee Somaliland iyo Djabouti uu ku sheegay xalinta khikaafka mandheera.

Waa yaabee maxaa Somaliland ka khuseeya muranka xuduuda Mandheera ee Kenya iyo Soomaaliya?.

Mushkilada jirtaa waxay tahay, muxuu wasiirka Arr. Dibada Jabouti kolkii uu kulanka labada madaxweyne ee Geelle iyo Biixi uu ka hadlaayay uu ugu soo daray dedaalka Jabouti ugu jirto xalinta arrimaha xuduudaha Somaliya iyo Kenya ka jira.

Nasiibdarada ugu weyn ee masuulkaa ka soo yeedhay ayaa ah in uu wasiirku hadalkiisa ku sheegay in Somaliland ay Jabouti ka dalbatay in wax kala qabato aqoonta ay biyaha u lee yihiin,  iyadoo aanu ognahay in Madaxweyne Siilaanyo uu horey gaashaanka ugu daruuray Geellaha Jabouti oo doonaayay in deegaamada Saylac ee Somaliland ay dawlad ahaan ka qotaan ceelal biyood oo laga waraabiyo Djabouti, maadaama ay biyo la’aan xumi soo foodsaartay oo aanay dal ahaana lahayn dhul biyo leh oo ku filan.

Waxa xaqiiq ah madaxweyne Siilaanyo oo rug cadaa siyaasadeed ahaa uu ku xidhay Ismaaciil Cumar Geelle in arrinkaa biyaha uu kaga bedesho Somaliland ictiraaf, taasi oo uu Ismaaciil  ka doorbiday haraadka iyo in dhinaca Ethiopia uu u guuro, iyadoonay jirin isku halayn buuxda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigan sumcadiisa dhinaca arrimaha dibada uu soo kobcayaay waxaan kula talin lahaa inaanu ku dhicin dabinka uu maleegaayo keligii taliyaha Jabouti.

W/Q Mustafe Shiine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here