Hooyo Uur Laheyd Oo Kufsi Iyo Dil Loogu Geystay Soomaaliya

0
405

Wararka aan ka heleyno dulleedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu gowracay Hooyo uur laheyd oo xalay la waayay.

Meydka Hooyada ayaa waxaa laga helay deegaan ku yaalla duleedka Caabudaaw, isla markaana waxaa halkaas ku arkay dad xoolo dhaqato ah oo kusoo wargeliyay Ehelada Hooyada oo la’aa, baadi goobna ugu jiray.

Marxuumada oo lagu magacaabi jiray Ubax Maxamed Yaxye ayaa laheyd Uur saddex bilood ah, waxaana la sheegay in baadhitaan lagu sameeyay kadib la ogaaday in inta aan la dilin ka hor la kufsaday Hooyada.

Xubno ka tirsan qoyska Marxuumada oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dilka ka hor lagula kacay fal kufsi ah, isla markaana lagu sameeyay baadhitaano, sidaasina lagu xaqiijiyay la kufsi iyo dil la isugu daray.

Ciidanka amniga Maamulka Galmudug ayaa wada baadhitaano oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkaas Argagaxa lahaa, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dadkaas falkaas ay baxsadeen, wallow ay socdaan howlgalo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here