Sacuudiga Oo Xukun Adag Ku Riday Haweeney U Ololeysa Xuquuqda Dumarka

0
301

Haweeney caan ka ah dalka boqortooyada Sacuudi carabiya oo u ololeysa xuquuqda haweenka ay u leeyihiin inay gawaadhida wadaan ayaa lagu xukumay ugu yaraan shan sanno oo xadhig ah.

Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah laba sana iyo badh waxay ku xidhnayd xabsi amnigiisa aad loo adkeeyey oo ku yaalla dalka Sacuudiga.

Iyada iyo haween kale oo u ololeeya xuquuqda haweenka Sacuudiga ayay boqortooyada Sacuudiga xabsiga dhigtay 2018-kii, haweenkaasi oo lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen iney xidhiidh la yeesheen ururrada cadowga ku ah Sacuudiga.

Hay’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waaxay marar badan Riyadh ka codsadeen in la sii dayo Loujian.

Balse Isniinti shalay ahayd, maxkmadda dambiyada ee dalka Sacuudiga oo lagu qaado fal-dambiyeedyada waaweyn oo ay ka mid yihiin argagixisada ayaa dhowr eedeymo oo ay ka mid yihiin iney ammaanka qaranka khalkhal gelisay iyo iney dana shisheeya fulineysay u soo jeedisay.

Waxayna ugu dambeynti maxkamaddu ku xukuntay 5 sanno iyo 8 bilood xabsi ah. Laba sano iyo toban bilood oo xukunka ay maxkamadda ku ridday ka mid ahna la sheegay in la laalay.

Haweeneydan xukunka lagu riday iyo qoyskeedaba waa ay diideen dhammaan dacwadaha lagu soo oogay. Waxayna qoyskeedu sheegeen muddadi ay xabsiga ku jirtay in jidhdil loo geystay balse maxkamadda ayaa cabashada qoyska ku gacan seydhay.

Loujain al-Hathloul ayaa xabsiga loo taxaabay toddobaadyo ka hor haweenka Sacuudiga inta aan darawalnimo loo oggolaan sannadkii 2018-kii, arrintaasi oo ku timid ololihi ay iyadu billowday.

Hase yeeshee mas’uuliyiinta dalka Sacuudiga waxay sheegeen xadhiggeeda inuu arrintan wax xidhiidha la lahayn.

Haweenka Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay bishii June ee 2018-kii la siiyey ruqsadaha ay baaburta ku wadi lahaayeen toddobaadyo un ka hor inta laga dul qaadin xayiraaddii saarnayd haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here