Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray Farriin Khusaysa Curashada Sannadka Cusub Ee 2021-ka Oo Berri Ku Beegan

0
278

Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray Farriin Khusaysa Curashada
Sannadka Cusub Ee 2021-ka Oo Berri Ku Beegan Madaxweynaha Somaliland
Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa curashada sannadka Cusub ee Miilaadiga ee
2021-ka awgeed wuxuu Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo bulshada
caalamka. Dhambaal Hambalyo ah oo uu soo saaray Afhayeenka
Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo soo gaadhay
Geeska.net ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada
Sannadka Cusub ee miilaadiga 2021-ka awgeed, kuna beegan Jimcaha
01/01/2021-

Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka. Madaxweynuhu waxa uu mar
labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa
Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala
duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga
Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan. Madaxweynuhu
waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay
Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo
horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo
caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
wuxuu Shucuubta Caalamka u rajeynayaa in Sannadka 2021-ku noqdo kii ula
kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara. Ugu danbayn wuxuu
Madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku boggaadinayaa
dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada
wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax wada qabsiga iyo
midnimada dhexdooda kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla- markaana
ilaashadaan jiritaanka qarankooda.” ALLAA MAHAD LEH Maxamuud
Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here