Aabbe ku nool dalka Mareykanka oo ku faanay xirfaddiisa aabbenimada kaddib markii uu gabadhiisa oo sagaal sano jir ah ku qasbay inay furto gasaca digirta haddii kalena aysan raashin cuni dooni ayaa caro ka abuuray baraha bulshada.
Lix saacadood kaddib gabadha ayaa ku guuleysatay inay furto gasaca waxaana ugu dambeyn loo oggolaaday inay raashin cunto, ayuu ku sheegay qoraal haatan la tirtiray oo uu soo dhigay barta Twitter-ka.
Aabbaha, oo barnaamij soo jeediye ah ayaa sheegay inay arrintaasi tahay guul “waalidnimo wanaagsan”ah.
Balse waaliddiinta kale ayaa ku eedeeyay dayacaad, halka kuwo kalena ay sheegeen inuu abuuray sheekada si uu isugu soo jeediyo indhaha dadka.
Dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa ninkan u bixiyay “aabbaha digirta” iyadoo dhacdadaasi ay dood kulul ka abuurtay baraha bulshada, halkaas oo qaabka ay waalididintu ula dhaqmaan carruurtooda ay mar walba muran sababto.
John Roderick, oo sidoo kale ah fannaan, ayaa sheekadan Sabtidii ku soo wadaagay Twitter-ka, isagoo sheegay in fekerka uu ku soo dhacay markii ay gabadhiisa weydiisatay inuu sameeyo digirta duban.
Kaddib markii ay u keentay qalabka lagu furo iyo gasaca digirta, wuxuu weydiiyay sida ay ugu fekertay in qalabkan lagu furi karo gasaca, ayuu yiri.
Markii ay u sheegtay inaysan aqoon, wuxuu yiri “inaan wax baro ayaa niyaddeyda ku soo dhacday”.
Wuxuu sheegay inuu aad ugu farxay, isla markaana uu doonayay inay gabadhiisa barato sida loo furo gasaca digirta, wuxuu sheegay inay isku dayeysay muddo lix saacadood ah.
“Agteyda ayay fadhisay iyadoo la daalaa dhacaysa inay furto. Waxaan dhihi karaa edbintaas inay tahay waxa ay u riyaaqday. Waan ogaa inay tani caqabad noqon doonto,” ayuu yiri.
Markii dambe way furtay gasaca wayna cuntay digirta, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.