Sarkaalka ugu sarreeya doorashada gobolka Georgia Brad Raffensperger ayaa sheegashada been abuurka ah ee uu Madaxweyne Donald Trump ku andacoonayo inuu ku guulaystay doorashada gobolkaasi ee 2020-kii “ay tahay khalad iska cad”.
Hadalka Mr Raffensperger ayaa yimid kaddib markii Mr Trump uu cadaadis ku saaray wicitaan dhanka taleefanka ah oo uu doonayay inuu ku soo “helo” codod guushiisa cadaynaya.
Waxaa aad u baahay dhaleecayn loo jeedinayo wicitaanka Mr Trump, iyadoo dadka qaar ay ku andacoodeen in taas ay ka dhigan tahay in la doonayo in si sharci darra ah codod loogu daro.
Jamhuuriyiinta ayaa waxa ay ka cabsi qabaan suuragalnimada in wicitaanka uu waxyeelayn doono dedaalladooda ay ku doonayaan inay ku guulaystaan tartanka loogu jiro laba kursi ee Senate-ka gobolka Georgia ee loo tartamayo Talaadada.
Haddii Jamhuuriyiinta ay ku guulaystaan labada kursi ee senate-ka Georgia ee doorashada ku celiska ah, ayaa waxa ay sii ahaan doonaan aqlabiyadda Senate-ka. Haddiise ay musharraxiintoodu guuldarraystaan, Dimuqraadiyiinta ayaa waxa ay maamuli doonaan aqalka Senate-ka, Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Cad.
“Asaga umbaa hadlayay. Annaguna waan dhagaysanaynay,” Mr Raffensperger ayaa Isniintii usheegay ABC News. “Hasayeeshee aan caddeeyo in xogta uu haysto ay tahay khalad cad,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay waxa uu u sheegay kooxda madaxweynaha wicitaankii saacadda socday ee Sabtidii.