Shirkadda Facebook ayaa xidhay dhammaan akaawnada xidhiidhka la leh dowladda Uganda maalmo yar kahor doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Uganda.
Facebook ayaa ku macneysay sababaha ay u xidhay akaawnada inay tahay been abuur Wasaarada Warfaafinta Uganda ay ku sameysay akaawno badan oo ay u isticmaalayso ololeynta madaxweyne Musaveni oo markale doonaya inuu noqdo Madaxweynaha dalka Uganda.
35 sanno oo uu xilka hayo Yoweri Museveni oo 76 jir ah ayaa waxaa si weyn ula tartamaya Bobi Wine oo ah 38 jir soo jiitey dhalinyaro badan.
Bobi Wine ayaa hore dhowr jeer loo xidhay waxana uu ku caan baxay heesaha wadaniga ah.
Ololaha doorashada ayaa laga mamnuucay magaalada Kampala iyo magaalooyin kale sababo la xidhiidha cudurka Covid 19 balse mucaaradka ayaa sheegay in arrimo siyaasadeed ay ka dambeyso.
Baraha Bulshada ayaa noqday halka ugu muhiimsan ee ololaha doorashada dalka Uganda oo heerkii ugu kululaa haatan uu marayo.