rur Hubaysan Oo Laga Aasaasay Itoobiya

0
335

Urur hubaysan oo la baxay “Islamic State Center” ayaa laga aasaasay Itoobiya.

Dawladdu waxa ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno ka mid ah ururka oo xidhiidh la leh Alshabaab.

Maxamed Rashaad oo ka mid ah macallimiinta ururkan ayaa OBN u sheegay in ururkoodu uu la dhacsan yahay fikradda Daacish.

“Xeer ahaan iyo fikir ahaanba iyaga ayaa aannu la mid nahay,” ayaa uu yidhi.

Alshabaab ayaa lagu eedeeyay in ay tababarro siisay ururkan, waxaana jira taageero dhaqaale oo ay dibadda ka helaan.

Ujeedada ururka oo laga aasaasay Gobolka Baale ee Oromiya waxa lagu sheegay in ay rabaan in talada dalka ay xoog ku maroorsadaan.

“Waxa ay dadka ku dhiirrigelinayaan in la diido cashuurta dawladda,” ayaa la yidhi.

Xubnaha ururku waxa ay isticmaalayaan magacyo Carbeed ayaa ay tidhi dawladdu.

Dad ka soo baxsaday oo hadda ku jira gacanta dawladdu waxa ay sheegeen in la baray sida qoriga loo rido.

Xigasho: Khaalid Foodhaadhi /Nimaan Osman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here