Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Farriin Adag U Diray Madaxweyne Geelle

0
305

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAD ee dalka Jabuuti ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay Madaxeyne Ismaaciil Cumar Geelle in aanu mar shanaad isku soo sharixin hoggaaminta dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka waaweyn ee saldhigyada millatari ku leh Jabuuti in ay la saftaan shacabka oo aanay taageerin Madaxweyne Geelle.

Duqii hore ee caasimadda Jabuuti imikana ah madaxa xisbiga mucaaradka ee Raad, Cabdiraxmaan Maxamed Geele oo BBC la hadlay ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen ay ku xusan yihiin arrimo dhowr ah oo khuseeyo xaaladda siyaasadeed ee Jabuuti.

Dhawaan ayay aheyd markii mucaaradka ay dowladda Jabuuti ku eedeeyeen in ay cuburinayso xubnaha ka tirsan xisbiyada mucaaradka xilli bisha April lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Mdaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii 5-aad isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha dalkaas oo xukumayay muddo ku dhow 20, waxaana doorashada Madaxweynaha Jabuuti ay dhaceysaaa bisha April ee sanadka ee sandkaan 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here