Dowladda Sudan Oo Digniin U Dirtay Itoobiya, Xiisadda U Dhaxaysa Labada Dal Ee Wabiga Niil Oo Soo Koradhay

0
313

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Itoobiya ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xidheenka koronta ee bisha Jully uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo modwga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wadaxaajoodka ee la xidhiidha biya xidheenka, ee u dheexaya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xidhiidha muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.

Itoobiya ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masarna ay hore sheegtay in tallaabadaasi ay khatar weyn ku tahay 90 boqolkiiba biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaaro inta aysan Addis Ababa tallaabo u qaadin arrimkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here