Puntland Oo Ka Hor-timid In Garoowe Lagu Qabto Shirkii Uu FARMAAJO Ku Baaqay

0
291

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan lagala tashan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in lagu qabanayo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayey sidoo kale ku sheegtay inay door bideyso in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, maadama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here