Wararka aan ka heleyno Magaalada Harta-sheekha ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Guri ku yaalla halkaas oo ay deganaayeen dad qoys danyar ah uu ka kacay dab xoogan.
Dabkaas ayaa mar qura ka kacay Guriga oo ay ku sugnaayeen qoys danyar ah oo ku yaallay xaafad ka tirsan Harta-sheekha, waxaana uu socday dhowr daqiiqo, iyadoona uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay laba Caruur ah oo kamid ahaa dadkii sugnaa Guriga ayaa ku geeriyooday dabkaas, halka dhaawac fudud uu soo gaaray qof kale, waxaana gurmad u sameeyay dadka deegaanka oo goobta tegay
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in hal mar laga warhelay Guriga oo qiiq farabadan ka baxayo, isla markaana ay bilaabeen gurmad lagu deminayo dabkaas, ayna ku guuleysteen, balse laba Caruur ay dhimatay.
Guryo dhowr ah iyo Xarumo Ganacsi oo ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga kacay dabab xoogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed.