Beesha Caalamka Oo Si Weyn U Majeeratay Doorashooyinka Somaliland

0
295

Warmurtiyeed ay soo saareen dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, ayaa si weyn u soo dhaweeyey tallaabada lagu cayimay doorashooyinka isku lammaan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka oo loo muddeeyey inay qabsoomaan 31ka Bisha May ee sannadkan.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay war-saxaafadeed ay soo saareen dalalka Denmark, Midowga Yurub, Finland, Ingiriiska, Faransiiska. Netherlands iyo Maraykanka, kaasi oo u qornaa sidan:-

“Beesha caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka saacida arrimaha dimuqraadiyaddu waxay soo dhaweynaysaa tallaabada lagu shaaciyey in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanku ay ka qabsoomaan Somaliland 31ka bisha May ee sannadkan.

Doorashooyinka Somaliland gelaysaa waxa ay fursad muhiim ah u tahay dib u xaqiijinta sumcadii ay Somaliland ku lahayd dimuqraadiyadda, maadaama doorashadii Baarlamaanka ee u dambeysay ay dalka ka qabsoontay sannadkii 2005tii.

Waxa kaloo ay beesha caalamku ammaantay qorshaha ay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran ay si loo dhan yahay u dhammaystireen diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo hirgashay muddadii u dhexaysay Bishii December 2020kii ilaa Bishii January ee sannadkan 2021ka. Waxaanay tilmaameen inay la socdaan in markii u horreysay da’yar tiro badani ay fursad u helayaan inay codeeyaan.

Sidoo kaloo, dalalka Somaliland ka taageera Arrimaha dimuqraadiyaddu waxa ay caddeeyeen inay soo dhaweynayaan daahfurnaanta, madaxbannaanida iyo hufnaantii ay ku qabsoontay farsamo ahaan hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Waxa xisbiyada u soo jeediyeen inay murrashaxiinta doorashooyinka gelayaa ay noqdaan qaar tayo ahaan u qalma inay metalaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

Warmurtiyeedku beesha caalamku wuxuu intaas ku daray inay soo dhaweynayaan heshiiskii 3-dii Bishii September ee sannadkii hore ay isku raaceen xisbiyadda qaranku ee la xidhiidhay inay soo sharraxaan 18 murrashax oo haween ah iyo saddex xubnood oo ka socda beelaha laga tirada badan yahay.

Bayaanka beesha caalamku wuxuu ku guubaabiyey saddexda xisbi qaran inay xoojiyaan inay kaalin mugleh ka siiyaan Haweenka, Dhallinyarada iyo beelaha laga tirada badan yahay doorashada Goleyaasha deegaanka. Waxa kaloo ay u soo jeediyeen xisbiyada iyo warbaahinta inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa oo ahmiyad weyn u leh hufnaanta doorashooyinka soo socda.

Ugu dambeyn, waxa dalalka beesha caalamku ay sheegeen inay Somaliland ka taageerayaan sidii ay hannaan xor ah ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanku 31ka May ee sannadkan.

Waxa bayaankaas lagu sheegay in Midowga yurub, Sweden iyo Ingiriisku kaalmo dhaqaale ka geysteen hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Waxa kaloo ay balanqaadeen inay taageero dhaqaale iyo kuwo kaleba ay ka geysanayaan nidaamka geedi-socodka doorashada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here