Maxkamadda ICJ Oo Maanta Dhageysaneysa Kiiska Dacwadda Badda

0
304

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta oo Isniin ah dhageysaneysa kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo si weyn loo wada sugayo dhageysiga dacwadda oo horay Maxkamadda u mudeysay inay bilaabaneyso 15-ka bishan.

Inkastoo dowladda Kenya ay isaga baxday dacwada, haddana wax saameyn ah ama dib u dhac kuma yeelan doonto dhageysiga Maxkamadda, sida ku cad jadwalka Maxkamadda horay u shaacisay.

Maxkamadda ICJ ayaa hore ugu gacan seydhay dalabka dowladda Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda oo markii afaraad ay dooneysay Kenya.

Ergada matalaya dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Qarreenada u doodaya Soomaaliya ayaa maanta laga dhageysanayaa dooddooda.

Kenya marnaba diyaar uma aheyn kiiska dacwada taal ICJ, waxayna ka door bideysay in wada hadal lagu dhammeeyo, waxaana ay weji gabax kala kulantay dowladda Soomaaliya oo diidaneyd wada hadalka.

Prof. C/wahaab Sheekh Cabdisamad oo wax ka dhiga jaamacadaha Kenya ayaa sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay xukunka kiiska, xitaa haddii ay Kenya ka baxday dhageysiga Maxkamadda.

Waxaa uu sheegay in kiis sidan oo kale uu soo maray Maxkamadda oo u dhaxeeyay Shiinaha iyo Filibiin, kaasoo Shiinaha ay ku kalifay inuu isaga baxo Maxkamadda, iyadoo maxkamadda ICJ markii ay dhageysatay Maxkamadda ay u xukuntay Filibiin.

“Qodobka 53-aad ee sharciga maxkamadda addunka waxuu dhigayaa hadii mid ka mid ah labada qolo ee is heysata uu hor tegi waayo maxkamadda, kan kale waxuu fursad u heytaa inuu yiraahdo ‘anaga noo xukuma’ laakiin markii aad fiiriso qodobada kale ee sharciga maxkamaddu waxay uga baahaneysaa dalka wax loo xukumaayo cadeymo dhameystiran oo sax ah, kuwaas oo ku filan go’aan ay kiiskaas ka qaadan karto maxkamaddu,” ayuu yidhi Prof. Cabdiwahaab Sheekh oo la hadlayey VOA.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga war-sugaya dhageysiga dacwada Maxkamadda ICJ ee maanta bilaabaneysa iyo go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda oo la filayo inuu qaadan karo saddex illaa lix bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here