Maxay Tahay Sababta Dalal Badan U Joojiyeen Talaalka COVID-19 ?

0
394

Sida laga soo xigtay khabiirka ku takhasusay cudurrada faafa ee dalka Iswiidan Anders Tegnell, go’aanka Sweden sidoo kale waxaa sabab u ah helitaanka nooc cusub, oo suurta gal ah in uu sababay.

Hadda waxaa jira calaamado cusub oo ku saabsan nooc kale oo saameyn ah sida dhiig-baxa iyo wixii la mid ah. Waa saameyn aan caadi aheyn, waxaa jira kiisas faro ku tiris ah oo ka jira Midowga Yurub. Laakiin baadhis ayaa la bilaabay waxaana u maleyneynaa inay macquul tahay inaan hakino, ayuu yidhi Tegnell  isaga oo la hadlay Radio Sverige.

Wakaaladda dawooyinka Yurub  ee loo soo gaabiyo (EMA) iyo maamulada caafimaadka ee dalal badan oo Yurub ah ayaa hadda baadhaya warbixinada la tuhunsan yahay ee waxyeelada dhiig xinjirowga iyo dhiigbaxa dadka lagu tallaalay Astra Zeneca ee Covid-19.

Baadhitaanku wuxuu diirada saari doonaa warbixinnada la tuhunsan yahay ee waxyeelooyinka ee la helay maalmihii la soo dhaafay si loo go’aamiyo haddii uu jiro xidhiidh u dhexeeya tallaalka iyo kiisaska la soo sheegay ee Dhiig xinjirowga iyo weliba Dhiig baxa.

Sida laga soo xigtay hay’adda EMA, wali ma jiraan wax muujinaya in tallaalku uu sababay xinjirowga dhiigga.

Baadhitaan cusub ayaa la daabici doonaa Khamiista

Astra Zeneca ayaa sheegtay inay ka war hayaan 37 kiis oo xinjirowga dhiigga ah ee dadka lagu tallaalay tallaalkooda. Kiisaska qaarkood waxay ahaayeen kuwo dilaa ah.

Wadar ahaan 17 milyan oo qof ayaa lagu tallaalay tallaalka corona ee Astra Zeneca ee EU iyo UK. Si kale haddii loo dhigo, dad yar ayaa ku dhacay xinjirowga dhiigga oo ah saameyn dhinaca ah.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Wakaaladda Daawada Yurub ee EMA waxay ka wada hadlayaan tallaalka Astra Zeneca waxaana markii hore loo qorsheeyay in EMA ay faallo ka bixin doonto tallaalka Astra Zeneca ee la xidhiidha soo bandhigidda baadhitaankeeda Khamiista. Laakiin hadda EMA waa la beddelay waxaana la filayaa inuu faallo ka bixiyo tallaalka Astra Zeneca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here