Ilo-wareedyo lagu kalsoon ayaa sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan.
Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaadheen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan.
Sida aan kasoo xiganay dad ehel la ah, qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay la soo hadleen dad ku xidhan Villa Somalia oo lacag badan u ballan-qaaday si ayna warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda.
Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, welina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinayaan xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya.
Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas ayna warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sannado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara.
Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar.