Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirkii Madaxda Afrika Ee Paris

0
371

Xukuumadda Faransiiska ayaa ku casuuntay Somaliland shirweynaha Madaxda Afrika oo ka dhacay caasimada dalkaas ee Paris.

Safiirka Somaliland ee Faransiiska Mudane Cali Xassan Ismaaciil oo shirkaa ka qeybgalay ayaa u sheegay wargeyska Dawan inuu ka hawlgelayo sidii bulshada Somaliland u heli lahayd tallaalka xanuunka Covid19, oo go’aamadii ka soo baxay shirweynahaa ay ku jireen in laga taageero Afrika helitaanka tallaalada Covid-19.

Safiir Cali Xassan ayaa dhinaca kale sheegay inuu ku ammaanayo bulshada Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi hannaankii nabadgelyada ahayd ee loo qabtay dabaaldegyadii sannadguurada 30aad ee maalinta madaxbanaanida Somaliland.

Shir madaxeedkii Paris oo salaasadii la soo gebagabeeyey ayaa si weyn loogu taageeray sidii wadamadda Afrika looga taageeri lahaa dhinaca tallaalka xanuunka Covid 19-ka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar sii horreysay ku baaqay heshiis cusub oo Afrika loo sameeyo, taasoo isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ay tilmaameen kordhinta bartilmaameedyada talllaalka COVID-19 ee loogu talagalay Afrika dhammaadka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here