Sudan oo aqbashay inay ICC ku wareejiso saraakiil loo haysto dambiyo ka dhacay Darfur

0
306

Dacwad oogaha guud ee ICC, Fatou Bensouda (Bidix), ayaa la kulantay saraakiil Sudan u dhalatay
Image caption: Dacwad oogaha guud ee ICC, Fatou Bensouda (Bidix), ayaa la kulantay saraakiil Sudan u dhalatay

Dowladda Sudaan ayaa sheegtay in ay maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku wareejin doonto saraakiil hore oo loo haysto dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka Sudan.

Ilaa iyo hada, Sudan ma aysan magacaabin shaqsiyaadka lagu wareejinayo maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Dowladda Sudan ayaa horey u balan qaaday inay soo dhiibi doonaan Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir oo xukunka hayey intii ay socdeen isku dhacyada Darfur , balse wali taasi ma aysan dhicin.

Ugu yaraan 300,000 oo qof ayaa lagu dilay iskahorimaadka u dhexeeya mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo billowday 2003.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here