Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/laahi (Bade) ayaa magaaladda Hargeysa ka furay shirka lix biloodlaha ah ee Caafimaadka iyo Nafaqada.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee heer Qaran, heer gobol iyo Degmo, waxana ugu horayntii halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socday Hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland iyaga oo balan qaaday in ay wasaaradda ka caawindoonan wax kasta oo loga baahdo.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in shirkani yahay mid joogto ah oo ay ka soo qayb galaan wasaaradda xarumeheeda gobolada iyo Hay’adaha wasaaradda la shaqeeya isla markaana lagagga hadlo arrimaha caafimaadka ee socda.
Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/laahi (Bade) ayaa sheegay in nuxurka shirkani yahay waxayaabihii u qabsoomay wasaaradda iyo waxyaabaha ka baaqday sidii wax looga qaban lahaa, waxaanu wasiirku xusay in wasaaraddu hawlweyn ka qabatay faafaha xanuunka Carona Virsus oo ahaa mid Somaliland aduunka kala sinayd waxyeeladiisa.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay wasaaraddu samaysatay qorshayaal waaweyn oo ku saabsan hiigsiga wasaaradda iyadoo shirar waawyn wasaaradu ku qabatay magaalooyinka Berbera iyo Boorama kuwaas oo lagagga hadlayay hiigsiga wasaaradda iyo sidii bulshada loo gaadhsiinlahaa adeeyada caafimaadka.