Xildhibaanka mid ah Mudanayasha Golaha Guurtida oo soo jeediyay In Dil lagu Fuliyo dadka…..

0
333

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Ilkacase), oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka diaafaca iyo nabadgelyada difaaca Qaranka, ayàa soo jeediyay in dil lagu fuliyo dadka isku Jinsiga ah ee galmada isugu taga.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan hay’addo u dooda dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda, waxaanu soo jeediyay in dalka laga saaro hay’addaha u dooda dadkaasi, iyo kuwa diinta Kiristaanka fidiyaba.

Waxaa kale oo uu xusay in ay jiraan dad Soomaali ah oo Diinta Kiristaanka ku dhex faafinaya gudaha magaalada Hargeysa, isla markaaana la qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here