Guddida Mus-dambeedka WADDANI Oo Ku Hanjabtay Inay Hor Istaagayaan Miisaaniyadda Wargeyska DAWAN

0
437

Guddida Mus-dambeedka WADDANI Oo Ku Hanjabtay Inay Hor Istaagayaan Miisaaniyadda Wargeyska DAWAN

Hargeysa (warsugannews)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda, kana tirsan Guddi beeleedka Musdambeedka WADDANI ee jaan-goysa siyaasadda xisbigaas, ayaa ku hanjabay in ay wargeyska DAWAN ka hor istaagi doonaan miisaaniyadda dawladda ee laga ansixiyo aqalka Wakiiladda.

Xildhibaan Xoog oo maalintii Isniintii warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka jawaabay war ku soo baxay wargeyska DAWAN cadadkiisii 3384 oo ku saabsanaa Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in aanu ka mid ahayn musdanbeedka xisbigaas oo dhammaantood ka soo jeeda beesha galbeedka Burco.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka gubtay war uu wargeyska DAWAN qoray, waxa uu yidhi “Joornaalkaa aan gacanta ku hayaa waa joornaalkii afka xukuumadda ku hadlayay oo maalin walba weerara Golaha Wakiiladda, waa ayaan darro in qabyaalad cad lagu soo qoro wargeyska DAWAN, oo aad moodo in si gaar ah loogu siiyay mashruuc inuu dadka u kala fur-furo qabaa’il.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay xisbi ahaan hor istaagi doonaan miisaaniyadda wargeyska, waxaanu yidhi “Waxay qoreen cadadki i 3384 ee wargeyska DAWAN, ee soo baxay Isniintii waxa uu igu sheegayaa in aan ahay xildhibaan ka soo jeeda beesha galbeedka Burco, anigu meesha aan galbeedka Burco ku noqday ee aan uga soo jeedo isaga ayaa sheegi. Ma qabaa’il baynu ku noqonaa oo waynu ku kala tagnaa meesha, mise afkan ayay bedali doontaa DAWAN, waxa aan leeyahay anigu galbeedka Burco kama soo jeedo meeshana qabaa’il kuma fadhinee xisbi WADDANI la yidhaahdo ayaan ka tirsan nahay, haddii qabaa’il uu ku celiyay meeshii waa cida wax lagaga qaadaa. Sayidoow (Guddoomiyaha DAWAN) maalin walba ku soo qor DAWAN in galbeedka Burco aan ka soo jeedo in aan galbeedka Burco noqdo iyo in aan Hargeysa noqdo, labadeena ayaa is arki doona, Miisaaniyad dambe oo aad Golaha Wakiiladda ka qaadaysaa ma jirto haddii aanu nahay xisbiga WADDANI waanu daadifaynaynaa miisaaniyadda DAWAN.”

“Aniga oo layga soo doortay magaaladda Hargeysa ayuu leeyahay xildhibaanada ka soo jeeda mus-danbeedka WADDANI anigu halka aan galbeedka Burco ku noqday adigaa sheegi ee aad Burco ii gayseen waxa ay qoreen gudida mus-danbeedka WADDANI oo walaac ka muujiyay furfurka xisbiga WADDANI haddii adiga Sayidoow furfurka WADDANI lacag lagugu soo siiyay oo aad mashruuc ku qaadatay xisigayaga intan wuu ka xoog weyn yahay,” ayuu yidhi Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac Xoog.

Xildhibaankan oo laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex, waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, waxaanu ahaa xubintii damiirkiisu siiyay ee loo adeegsaday inuu baastoolad ku qabto shirgudoonka iyo Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ee uu maanta difaacayo.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here