QOOMIYADAHA GEELAYDA IYO SAAMEYNTA UU KU YEESHO DHAQANKOOGU TALADA IYO HOGAAMINTA UMADDA.
Nolosha dabiiciga ahi binu-adamka waxa ay bartay hab nololeedyo ay u noolaadaan oo ku qotoma hadba waxa ay gacanta ku hayaan , tusaale ahaan qofka beer qotaha ahi waxa uu yaqaanaa xiliga wax la beerto , qaabka wax loo beerto , sida dalaga loo kala gediyo , sida dulinka looga gubo ciida iyo sida waxa soo baxa loogu kaydsado dhulka hoostiisa ( boholaha ) si xiliyada adag loogaga baxo.
Sidaasi oo kale nolosha reer guuraagu waa nolol xoolo dhaqato ah , waa nolosha ay dadka soomaalidu caanka ku yihiin maadaama dadka soomaaliyeed xoolo dhaqato asalkoodu yahay oo marka taariikhda dib loo raaco ay beeruhu la socdaan ilbaxnimada iyo nolosha casriga ah ee markii la fekeray loo guuray .
Haddaba xoolaha waxaa u mudan oo soomaalidu ka dhaadataa waa Geella , geel jacaylka dadka soomaalida waxa la yidhaahdaa waxa ay iska hideystaan qoomiyada carbeed oo ay is dhalaan ama ay yihiin dad laba qaaradood oo isku dhegan qarniyo badan isku dhinac noolaa oo lahaa xidhiidho iyo taariikho fog oo xidhiidho isdhexgalo ganacsi ,nololeed , aqooneed iyo dad ba lahaa inta taariikhda la og yahay.
Qoomiyadaha geelayda ah ayaa waxa ku milan taladooda hab dhaqanka aad u kakan iyo talo maroorsiga u badan ee laga dhaxlo dhaqanka iyo caadooyinka soo jireenka ah ee nolosha geel jiraha , waxaana tusaaleyaal nool inoo ah carabta iyo soomaalida oo ah qoomiyadaha geelayda u badan iyo hanaanka ay isku maamulaan.
SIYAASADA SOOMAALIDA IYO DHAQANKA GEEL-JIRAHA.
Haddaba hab nololeedkaa soo jireenka ahaa ee loo noolaa waxa laga dhaxlay hab dhaqan ka qayb qaatay talada iyo tusaaleyaasha nolosha , qoraalkani waxa aynu ku eegi doonaa bal fahamka iyo inta ay nolosha geel-jiruhu saameynta ku leedahay hab nololeedkeena iyo taladeena.
Marka aynu tusaaleyaal u soo qaadanayno sida ay soomaalidu dhaqankeega ugu dabaqday talada waxaa aad ka garan karaysaa suugaanta , maah-maahyada iyo hal ku dhegyada loo soo qaato dhacdo nololeedka maalinlaha ah ee nolosheena waxaana ka mid ah kuwan ;
Geel duq baa loo tubaa ; maah-maahdani waxa ay kuu sheegaysaa hadii geela kuwiisa waaweyn la soo tubo in inta yar-yar ( aarankiisa ) soo joogsanayo.
Geela duqdiisu dur-duriso aarankiisana maxaad u malayn ; waxaa looga jeedaa Geela hadii inta uu eeganayaa durduriyaan dee aarankuna wuu ku dayan doonaa , waxaana macno ahaan looga jeedaa tusaale wanaagsan hala iskaga daydo.
Dhinaca kale marka nolosha geel-jiraha laga hadlayo waa nolol adag oo ay naxariistu ku yar tahay qofka ay soo saartaa sida uu noqonayona waxaa marwalba tusaale u noqonaya waayaha uu soo maray kaasi oo aan ku haboonayn in umada lagu sii daayo maadaama uu qalafsan yahay .
Xaga talo maroorsiga marka aynu u noqono iyo dhaqanka laga keenay nolosha geel-jiraha waxa aynu soo qaadanaynaa gabaygii uu Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ee Dabataxan oo ay ku jirtay;
Deegaanba awr baa
Ku dul doobinaayo
Waxay daawadaan hebel
La yidhi dartiinbaa
Duubka loogu xidhayoo
La yidhaahdo kama dage.
Tuducyadani waxa ay tilmaamayaan in beel walba taladeeda qof horjooge ka yahay oo uu xuurtaystay isla markaana aanay halkaasi ka banaanayn talo-wadaag , is-toosin iyo wax isku sheeg.
Hab-dhaqanka siyaasada soomaalida ayaa isaguna leh inta talada qofka ka waawayni ku jiro in aanay inta kale faraha la soo gali karin oo waata la yidhaado geela hal baarqab uun baa ku jira awrkii kale ee luqunta taaga qoorta ayuu ka jabiyaa .
Waxa aan uga socdaa tusaaleyaasha aynu soo qaadanay marka aynu dhaqankii , taladii iyo noloshii miyiga joogno dhamaantood waxa ay ahaayeen wax ku haboon laakiin nidaamka maamulka iyo dawladnimada casriga ah laguma dabiqi karo.
Dawladnimada casriga ah iyo hanaanka maanta ugu wanaagsan ee la isku maamulaa waa in talada la wadaago , la isweydiiyo yaa ina wadi karaa iyo xagee aynu u socon karnaa oo aanu qof talada maroorsan ama inta ugu waaweyn ummadu aanay kaligood isku koobin ee ay da’yartana ka qayb galiyaan.
Waxa aan is leeyahay arintani lafteeda tusaalaha ugu wanaagsan waxa aynu u soo qaadaneynaa xili beel ka mid ah beelaha Somaliland ay arinsanaysay taariikh hore ayaa waxa la yidhi waxa la arkay iyada oo waayeelka la ururinayo si golaha lagu arinsanayo loo geeyo dabadeedna Suldaan Diiriye oo yar baa waxa ka soo yeeshay waayeel ha gurina ee wax aqoonka gura , ereygiisii ayaa lagaga qayb galiyey taladii waxaana uu noqday talo qabeen ilaa loo caleemo saaray suldaan.
Hogaamintu hadaba kaliya lagama eego xaga adadayga qofka ee waxa ay sumadeeda ugu wanaagsani noqonaysaa in uu ahaado mid umada isku wada , ururiya , mideeya , naxariis badan , dad jecel , talada qaata , tubtana yaqaaana iyo halka loo socdo.
Markaa hadii aynu hogaaminta umada rajo ka doonayno dhaqanka geel-jiraha yeynaan taladeena kawada dhigin ee ha shaqeeyo talo wadaaga , wax isweydiinta , talo badsiga , iyo in da yarta la aamino oo laga qayb galiyo hogaaminta ummadda si aynu hore ugu socono.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil