Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida

0
202

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/02/2023, dhaariyay Khaalid Farxaan Ciise Ubaxle, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.

 

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu banneeyay Alle ha u naxariistee marxuum Farxaan Ciise Ubaxle, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Khaalid Farxaan Ciise, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

 

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu Qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhaariyay.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here