Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan Casho Sharaf Ah ku Maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi Oo Ka Mida Culimada Ugu Waa-weyn Caalamul Islaami.
Hargeysa-09-03-2023-(wmg)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi oo kamida culimada ugu waawayn caalamul Islaami, islamarkaana ahaa gudoomiyaha guddida hubinta kitaabka Qur’aanka kariimka.
Dhinaciisa Dr Sheekh Ahmed Essa Al-misraawi ayaa shahaadada PHD-da ku sharfay kuna maamuusay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku xigeenka Qaranka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Waxaanu Sheekhu u mahadnaqay Madaxwayne ku xigeenka oo kulankaa ku casuumay.
.
Waxaana Kulanka kala soo qayb-galay madaxweyne ku xigeenka Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, xubno ka mida golaha wasiirrada iyo qaar ka mida culimada dalka.
Wa-bilaahi Tawfiiq