Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qaybgalay Qalinjebinta Dufcaddii 21-aad ee ka Aflaxda Jaamacadda Hargeysa.

0
23

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qaybgalay Qalinjebinta Dufcaddii 21-aad ee ka Aflaxda Jaamacadda Hargeysa.

Hargeysa-29-08-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen in ka badan 1400 oo Arday oo ah dufcaddii 21-aad ee ka aflaxda Jaamacadda Hargeysa.

 

Munaasibadda qalinjebinta waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda iyo hormuudka kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor, ardayda maanta qalinjebisay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

 

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda Hargeysa, Dr. Mustafe Khadar, waxana uu si faahfaahsan uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacaddu soo martay, sida ay u dhawreen tayada ardayda Aflaxda, isaga oo si kal iyo laab ah u bogaadiyey ardayda ka baxday kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Hargeysa.

 

Guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda sii xoojiyaan oo aanay is dhigannin.

 

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa dhankiisa hambalyeeyey Ardayda maanta ka aflaxday jaamacadda Hargeysa, waxana uu hogo tusaaleeyey sida ay tacliintu fure ugu tahay guusha ee aan cidina uga maarmi Karin.

 

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda iyo waxbarashada oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa hambalyo iyo bogaadin u firay Ardayda ka qalinjebisay jaamacadda Hargeysa, waxana ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in qaranku xoojiyo siyaasaddiisa dhinaca waxbarashada, maaddaama oo tacliintu tahay furaha guusha.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kal iyo laab ah u hambalyeeyey Ardayda maanta qalinjebisay, waalidiinta kusoo tacabtay iyo bahda waxbarashada oo uu ku sifeeyey kuwo rukun ah u guul kasta oo dhinaca waxbarashada dalka oo la gaadhay, waxana uu yidhi, “Waxan hambalyeynaynaa ardayda qalinjebinaysa ee maanta kusoo biirtay inta xilka ummaddu saaran yahay ee taladooda iyo aqoontoodaba qaranku eegaya.”

 

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii ugu derejada sarreeyey kulliyadaha kala duwan ee jaamacaddu ka kooban tahay, kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo hablo.

 

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xidhigga ka jaray Laybareeri weyn oo loo bineeyey jaamacadda Hargeysa, kaas oo loo qoondeeyey inay ardaydu wax ku akhrisato.

Wa-bilaahi Tawfiiq