Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Kaabayaasha Biyo Ballaadhinta Caasimadda Hargeysa Oo Gebogebo Ku Dhaw

0
17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Kaabayaasha Biyo Ballaadhinta Caasimadda  Hargeysa Oo Gebogebo Ku Dhaw

 

Hargeysa-16-09-2024-(WMG)-MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray dhammaystirka kaabayaasha biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo dhammaad ku dhaw.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, ayaa ugu horrayn kormeeray qaar kamid ah berkadaha biyaha ee wakaaladdu ka binaysay degmooyinka caasimadda oo loogu talo galay inay ka cabbaan bulshada deegaannadaas ku dhaqan, kuwaas oo dhammaystirmay.

 

Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa,Mudane Maxamed Cali Daarood oo berkedda weyn ee keydka dhexe ee degmada Ibraahim Koodbuur oo shaqadeedu si habsi ah u socoto ugu warramay madaxweynaha, ayaa si qoto dheer u sharraxay guusha weyn ee laga gaadhay wejiga labaad ee biyo ballaadhinta Hargeysa oo uu sheegay inuu dhammaaday 94% (Boqolkiiba Afar iyo sagaashan), islamarkaana inta aannu sannadkni dhammaan lasoo afmeeri doono.

 

Maareeye Maxamed Cali Daarood, waxa uu sheegay in kaabayaasha dhuumaha ah ee mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa uu ka koobnaa masaafo dhan 166KM ay haatan dhammaadeen 164KM oo kamid ahi, islamarkaana inta ka hadhay la filayo inay sida ugu degdegga badan inay u dhammaystirmaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu mashruucaasi guul weyn oo dhinaca helitaanka biyaha ah usoo hooyey guud ahaanba shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo tiradoodu xawli usii kordhayso.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha hoggaamisa wakaaladda Biyaha iyo shaqaalahoodaba ku ammaanay shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan iyo guusha ay ka keeneen mashruuca dib loogu ballaadhinayo biyaha Hargeysa oo muddo soo socday, waxana uu ugu baaqay inay gunaanaadaan xaal-xaalka kooban ee ka hadhsan hawshii cuslayd ee fulinteeda loo xilsaaray.

 

Biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, ayaa xawaare sare u socota, waxana ay suurtagelisay in tiro badan oo shacabka caasimadda ah oo aan hore biyo u heli jirini ay haatan Biyo helaan.