Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Shirweynaha qaran ee horumarinta Kalluumaysiga

0
10

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Shirweynaha qaran ee horumarinta Kalluumaysiga

 

Hargeysa-18-09-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha qaran ee horumarinta Kalluumaysiga oo maanta Hargeysa ka bilaabmay.

 

Shirweynaha qaran ee horumarinta kalluumaysiga dalka oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, xubno ka socday shirkadaha maalgashi ee dalka, madax ka socotay baananka kala duwan ee Somaliland ka hawlgala, madaxda waaxaha kala duwan ee wasaaradda horumarinta Kalluumaysiga iyo shaqalaahooda, waxana halkaas lagu soo bandhigay qorshaha qaran ee wasaaraddu ugu talo gashay inay ku harumariso kalluumaysiga dalka oo kamid ah khayraadka dalkan Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay.

 

Ugu horrayn, waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, isaga oo si qoto dheer u sharraxay ujeeddada ay wasaaraddu shirkan ka leedahay oo uu ku sheegay mid lagu bayaaminayo fursadaha maalgashi ee dhinaca kalluumaysiga ah ee dalka ka jira, islamarkaana lagu diyaarinayo qorsheyaal qaran oo kalluumaysiga dalka lagu maamulayo.

 

Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) iyo wasiirrada wasaaradaha horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo Deegaanka iyo isbeddelka cimilada, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa madaxda wasaaradda Kalluumaysiga ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qorshe qaran oo dhinaca kalluumaysiga ah, waxana ay xuseen inay wasaaraddu hayso jid guul ballaadhan gaadhsiin kara.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka daah-furay, ayaa madaxda wasaaradda Kalluumaysiga iyo shaqaalahoodaba ku bogaadiyey hawsha ballaadhan ee ay soo agaasimeen, waxana uu bulshada kala duwan iyo ganacsatada dalkaba ugu baaqay inay ku dhiirradaan maalgashiga kalluunka dalka iyo wax soo saarka kale ee gudahaba.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shirka ugu baaqay inay si qoto dheer u axadhaan, una diyaariyaan qorsheyaal midho dhal ah oo mustaqbalka loo Aayo, dadka aqoonta sare ee dhinaca kalluumaysiga lihina ay kaalin weyn yeeshaan.

Wa-Bilaahi Tawfiiq