Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka tacsiyadeeyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Geerida ku timi Walaalkii Marxuum  Cali Maxamed Maxamuud (Cali Bureeqe)

0
15

TACSI MADAXWEYNE: 03/10/2024.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, shacbi weynaha iyo Qoyska reer Maxamuud Aadan ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cali Maxamed Maxamuud (Cali Bureeqe) oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska xalay oo ay taariikhdu ahayd 03/10/2024.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ka tacsiyadaynayaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay marxuumka Walaalo ahaayeen iyo dhammaan qoyska reer Maxamuud Aadan.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.